Xubno ka mid ahaa Ururkii XAQSOOR oo kusoo biiray Xisbiga KULMIYE

December 5th, 2013 Comments Off

image

 

HARGEYSA (SM)-Urur siyaasadeedkii XAQSOOR ee ku hadhay doorashadiii golaha deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay midawga urur siyaaasdeedkii Xaqsoor iyo xisbiga Kulmiye oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa ayaa waxa ka soo qeyb galay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE , marwada Koowaad ee Somaliland iyo xubno ka mida golaha Wasiirrada , xildhibaanno, salaadiin iyo marti sharaf kale.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawayanayaan midawga xisbiga kulmiye iyo urur siyaasadeedkii xaqsoor taas oo uu ku tilmaamay xaflad taariikh ah oo qiimo badan, waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE yahay xisbi weyn sidaa darteedna maanta laga bilaabo ay ka mid yihiin bah weyntiisa.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye md maxamed xaaji yuusuf waabeeye iyo gudoomiye ku xigeenka sedexaad ee xisbiga kulmiye md cabdiraxmaan talyan le oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheerdaaya qiimaha iyo faa iidada midawgu u leeyahay bulshada waxaanay intaa ku daray in mudo gaaba ay isku af garteem masuuliyiinta urur siyaasadeedka xaq soor in ay ku midoobaan maantana loo fadhiyo guarshada tacabkii loo galay midawgaasi.

Xaqsor3Xaqsor1 (1)
Xaqsoor4
Gudoomiyaha Golaha dhexe KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Shabeel) oo ka hadlay xafladaas ayaa sheegay in si kal iyo laab ah ay u soo dhawayanayaan ururka XAQSOOR, waxaanu intaa ku daray in 26 xildhibaan oo usoo baxay urur siyaasadeedkii xaqsoor in maanta ay ka mid noqonayaan xisbiga talladda haya.

Eng. C/Qaadir Iimaan oo ka mid ahaa gudidii fulinta ee XAQSOOR iyo gudoomiayaha garabka haweenka ee ururkaasi Fadxiya Muuse Ibaarahim oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yhiin midawga ay la galeen xisbiga kulmiye islamarkaana ay la shaqayn doonaan wixii hada ka danbeeya xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiirrada Cadaalada , Ganacsidga , Dhalinayarada, Xanaanada xoolaha oo dhammaan halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawayanayaan urur siyaasadeedka XAQSOOR ee ku soo biiray xisbiga kulmiye iyagoo ku tilmamay guul u soo hoyatay xisbigooda.

Waxaana halkaa heshiiska midawga ku saxeexay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE ahna ku simaha Guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed-nuur Aw Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisha Gudida fulinta Ururkii XAQSOOR.

Salaanmedia/Hargeysa