250 ruux oo Soomaali ah oo maanta laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga (Daawo Video)

250 ruux oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah, ayaa waxaa maanta dib loogu soo celiyay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, markii laga soo tarxiilay dalka Sacuudi Carabiya.

Dadkaan, ayaa isugu jira rag, haween iyo weliba caruur, kahor inta aan la soo tarxiilin, ayaa waxay muddo billo ah ay ku soo jireen xabsiyo ku yaala dalkaasi.

Xabsiyada Sacuudiga, ayaa waxaa weli baaqi ku ah dad kaloo Soomaali ah, kuwaa oo sugaaya diyaaradii ka soo daabuli laheyd dalkaasi, waxayna taasi qaadan kartaa muddo kaloo billo ah.

Soomaalida, ayaa ku yaacday Wadanka Boqortooyada ee Sacuudiga, iyagoo dhul iyo diyaaradba ugu socdaala, sidii ay mar uun ku gaadhi lahaayeen.

 

Salaanmedia/Mogdisho