Axmed Madoobe oo dhameystiray Golahiisa Wasiirada, lana dhaariyay maanta (Daawo Sawirada)

Madaxa Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, ayaa waxa uu maanta soo dhameystiray Golahiisa Wasiirada, iyadoo sidoo kalana isla maanta la dhaariyay.

Digreeto uu soo saaray Sheekh Axmed Madoobe, ayaa waxa uu ku soo magacaabay laba Wasiir, iyadoo ay ka dhigan tahay in uu soo kaamil yeelay xubnihii ka maqnaa Wasiiradiisa.

Digreetada, ayaa lagu magacaabay Wasiirka Garsoorka & Arrimaha Diinta Maxamed Cabdi Maxamed Jowhar iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Ibraahim Xasan Cabdi Baajuub.

Digreetada lagu magacaabay Wasiiradaan, ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Maamulka Kmg ah ee Jubba Col. C/naasir Seeraar Maax.

Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lagu dhaariyay Wasiiradii hore, labada Wasiir ee cusub iyo Madaxweyne Ku Xigeenka 2-aad ee Maamulka Jubba C/qaadir Xaaji Maxamed “Luga-dheere”.

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Jubba General C/laahi Sheekh Ismaaciil, oo ka hadlay Madasha lagu dhaariyay Wasiirada iyo Madaxweyne Ku Xigeenka 2-aad, ayaa wuxuu kula dardaarmay in si Cadaalad ah ay dadkoodu ugu adeegaan.

Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Maamulka Jubba, ayaa waxaa lagu waday in mar kaliya la wada dhaariyo 20-ka bishaan.