Home Wararka Baaq Ku Wajahan Salaadiinta Iyo Gudiga Gar-Adag Ee Beesha Bariga Burco+Digniin Ku...

Baaq Ku Wajahan Salaadiinta Iyo Gudiga Gar-Adag Ee Beesha Bariga Burco+Digniin Ku Socota Koox Qandaraas Ku Qaadatey Dagaal Sokeeye Oo Ka Istaadhma Burco .

Baaq Ku Wajahan Salaadiinta iyo Gudiga Gar-adag Ee Beesha Bariga Burco+Digniin ku socota koox Qandaraas ku qaadatey dagaal sokeeye oo ka istaadhma Burco .

Suldaancune

Anigoo ah Suldaan Maxamed Muuse Cune (Faarax-dayr) marka hore waxaan halkan baaq ugu dirayaa Salaadiinta beesha Bariga Burco gaar’ahaan kuwa Nabad-taliska ah ee samaha jecel ee uu ugu horeeyo  Suldaan Maxamed Guuleed oo kale iyo Gudigii Gar-adag oo nagala shaqeeyay xoojinta Nabadda iyo horumarinta gobolka Togdheer.

 

Marka labaad waxaan ku wargalinayaa Gudigaa iyo Salaadiintaa aan soo sheegay in ay si deg deg ah wax uga qabtaan Gudiga cusub ee magacyadoodu xaga hoose aan ku xusay ee Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah Wasiiradiisu sameeyeen ,kuwaasi oo ay ugu talogaleen in ay Dagaal Sokeeye ka ridaan magaalooyinka Burco iyo Berbera si Xukuumadda loogu sameeyo mudo kordhin .

 

Waxa kale oo aan Ogaysiinyaa Golaha Guurtidda ,Wakiiladda iyo Laamaha amniga in ay ka warhayaan fiiro gaarana u yeeshaan Gudigan loogu talogalay in ay bulshooyinka walaalaha ah ee k u dhaqan goboladda Togdheer iyo Saaxil iska horkeenaan  .

 

Waxaan kale oo aan u sheegayaa gudigan Fidmo wadayaasha ah hadii ay Dagaal ridaan iyo hadii kale-ba in aan Siilaanyo marnaba loo samayn doonin mudo Kordhin marka uu dhamaado xiligii la doortayna ,waxa uu ka baxayaa Albaabka Danbe ee Madaxtooyadda (Namber 10) ,laakiin hadii uu marlabaad tartamaayo wuu ogolyahay sharcigu in uu tartamo.

 

Mida kale waxaan u sheegayaa Kooxdan Qandaraaskan soo qaatay in aan bulshadda reer Burco meel-na kala tagaynin ee Ilaahay isku meel ku abuuray isla markaana dad walaalo ah yihiin .

 

Liiska Gudiga Bariga Burco ee Siilaanyo iyo Wasiiradda beeshiisu sameeyeen ee Mashruuca Dagaalka Sokeeye (Civilwar) ee Mudo Kordhinta Soo Qaatay.

 

1)      Oday: Faarax Xadhigleh .

2)      Oday Hure Walan Wal.

3)      Oday Abokor Cumar Dibi.

4)      Oday: Siciid Bide .

5)      Wariye Yuusuf Ilkacase (Agaasimaha Tv. Qaranka ee G/Togdheer).

6)      Caaqil: Xasan Dhuux-yare.

7)      Caaqil: Nuur Haytiye.

8)      Xil: Bidhi Bidhi (Golaha Deegaanka Burco).

9)     Oday: Aadan Dooc.

10)  Oday: Yuusuf Boodh-is-lagad.

 

Dhamaad:

Suldaan Maxamed Muuse Cune

(Faarax-dayr)

Burco Somaliland.