Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Muddo 10 maalmood Ah Ugu Daray Waqtiga Ra’iisal Wasaare C/weli

timthumbJan 11,2014 Muqdisho(SM)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa wuxuu maanta uu fursad u helay 10 maalmood oo dheeraad ah, oo uu ku soo xulan karo Golahiisa Wasiirada.

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu warqad uu u qoray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuuna kaga codsaday in muddo 10 maalmood ah loogu daro waqtiga uu heysto.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo u akhriyay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxay ka yeesheen dood kulul, iyadoo ay taasi keentay in inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka, ay aqbalaan codsigii Ra’iisal Wasaaraha.

Cod qaadis loo sameeyay codsiga Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxay 142 ay ugu codeysay haa, iyadoo 3 kamid ah ay ka aamuseen, halka 40 kalana ay aqbashay, kooramkii Baarlamaanka oo ku furmay 185 Xildhibaano.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa cod kore ku sheegay in codsiga Ra’iisal Wasaaraha ay cod aqlabiyad leh kaga jawaabeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu yiri, isla-markaana uu heysto 10-kii maalmood ee uu soo codsaday.

12-kii bishii December, ayaa la magacaabay Ra’iisal Wasaare C/weli, wuxuuna xaq u lee yahay in muddo bil ah uu ku soo dhiso Xukuumadiisa, iyadoo waqtigii uu horey u heystay ay kaga egtahay Axada berito ah, oo ay bisha tahay 12-ka Janaayo. Walow uu maanta helay 10 maalmood oo dheeri ah.

Salaanmedia/ Muqdisho