Boqolaal Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga oo maanta soo gaadhay Magaalada Muqdisho

south sudan

Boqolaal ruux oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa maanta la soo gaarsiiyay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Tirada dadka la soo celiyay oo lagu sheegay ilaa 300 oo ruux, ayaa waxay billihii ugu dambeeyay ay ku jireen xabsiyo kala duwan oo ku yaala dalkaasi Sacuudi Carabiya.

Dadka la soo tarxiilay, ayaa isugu jira rag, dumar, caruur iyo weliba ciroole, waxaana laga soo qab qabtay Magaalooyinka waaweyn ee dalka Sacuudiga, iyagoo dalkaasi ku joogay bilaa Sharci.

Dowladda Sacuudiga, ayaa bishii October dalbatay in Ajaaniibtu ay isaga baxaan dalkeeda, kuwo bilaa Sharciga ah, dibna ay ugu laabtaan dalalkii ay ka kala yimaadeen.

Maxamed Cali oo kamid ah dadkii laga soo tarxiilay dalka Sacuudi Carabiya, ayaa waxa uu sheegay in muddo ka badan 3 bilood uu ku jiray xabsi ku yaala dalkaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan dhowr kun oo Soomaali ah, oo weli ku dhibaateysan xabsiyada Wadanka Sacuudiga, kuwaa oo sugaaya buu yiri in dalkoodu dib loogu soo celiyo.

Soomaalida, ayaa si aan laga fiirsan ugu yaacda Wadanka Boqortooyada ee Sacuudiga, iyagoo dhul iyo diyaaradaba ugu socdaala, sidii ay mar uun u gaari lahaayeen.

Salaanmedia/Mogdisho