Ciidan ka socda Dowladda Nigeria oo maanta soo gaadhay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Ciidan Boolis ah oo ka socda Dowladda Nigeria, ayaa waxay maanta ka soo caga dhigteen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Ciidankaan oo ay tiradoodu gaareyso 70 askari, ayaa waxay isugu jiraan rag iyo haweenba, waxaana lagu wadaa in ay bedelaan Ciidan Boolis ah, oo horey Dowladda Nigeria kaga joogay Somaliya. Ciidankaan oo ah kuwo heysta tababar gaar ah, ayaa waxay Dowladda Federalka ee Soomaaliya ay ka caawin doonaan suggida ammaanka iyo tababarka Ciidankeeda. Waa markii ugu horeysay oo Dowladda Nigeria ay isbedel ku sameyso Ciidankeeda Booliska, ee kaga sugan Magaalada Muqdisho muddo sanad ah. Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa Ciidanka ka joogga Soomaaliya waxa ay u badan yihiin Militari, laakiin tirada yar ee Booliska ayaa Dowladda ka caawiya ammaanka iyo tababarka Ciidamadeeda.