Home Wararka Wariyaha Somsat TV ee London Axmed Cawil (Axmed London) oo walaalkii...

Wariyaha Somsat TV ee London Axmed Cawil (Axmed London) oo walaalkii lagu dilay degaanka OOG, Somaliland iyo Colaad laga soo sheegayo degaanka.

Brok news

Oog,(SM)-Waxa galabta degaanka Docosha lagu dilay nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeday beesha Sacad Yoonis ee Habaryoonis, wiilkaasi waxa dilay nin ka soo jeeda beesha Jaamac Siyaad ee Dhulbahante, dilkaasi waxa agaasi ka kiciyay dhaq dhaqaaq colaadeed.

Wararka ugu danbeeyay ee caawa fiidkii aanu goobtaasi ka helaynaa waxa ay sheegayaan in qoyskii ninka laga dilay ay iyana dileen sadex nin oo ay isku hayb ahaayeen ninkii dilka gaystay, taasi oo hal goob ah ay ku dileen laba nin xaga nin kalena goob xoogaa ka durugsan ay ku dileen.

Dilalka noocani ah ayaa dadka reer guuraag ah had iyo gooraale ay isku gaystaan, goobtani markii hore ninka lagu dilay ayaa la yidhaa Docosha sida aynu kor ku xusany, waxana ay 40km- dhanka bari kaga beegantahay degmada Oog.

Waxa ilaa caawa socda saan saan colaadeed iyo isu gurmad xoogan oo ay labada beeloodba samynayaan waxana laga yaabaa in isku dhacyo iyo dilalka noocan ahi ay soo kordhaan hadii aan la kala dhex galin oo aan sidii dhaqanka iyo diintaba ahayd aan loo gurman labadaas beelood ee ood wadaagta ah.

Salaanmedia/Oog