Daawo Muqaal..Nuxurka Sagaal Qodob Oo Laga Soo Saaray Wadahalka Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Socday Turkiga

Sunday, January 19th, 2014
 Nuxurka Sagaal Qodob Oo Laga Soo Saaray Wadahalka Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Socday Turkiga

Jan 19, 2014 Istanbul(SM) – Wareeggii shanaad ee Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya maalmahan uga socday magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga, ayaa galabta la soo gebagebeeyay, waxaana lagu soo gunaanaday Sagaal qodob oo ay saxeexeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Federaalka Wada-hadalka1-300x225Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kala hoggaaminaya Ergooyinka labada dhinac ee wadahadalku u socday. Sagaalka Qodob ee ay Wefdiyada Somaliland iyo Soomaaliya isku raaceen ayaa u dhignaa sidan:- 1. Labada dhinac waxa ay sii wadi doonaan wada-hadalka ku salaysan goaannadii la isku raacay iyo waxyaabihii ku jiray heshiisyadii hore oo dan u ah labada dhinacba 2. 2. Labada dhinac waxa ay wada-xaajoodka u gelayaan iyada oo ka go’an tahay in la helo xallinta qodobbada la gorfeynayo si loo helo natiijooyin ay labada dhinacba ku qanacsan yihiin. 3. Labada dhinac waxa ay isku raaceen inay ku dhaqmaan xeerka anshaxa iyo heshiiyada kale. 4. Labada dhinac waxa ay fududaynayaan, si wadajir ahna u qeexayaan dhinacyada la iska kaashan karo ee ay labada dhinacba u baahan yihiin 5. Labada dhinac waxa si adag uga go’an in xallinta farqiyada iyada oo si gaar ah loogu marayo hab ku salaysan nabadgelyo iyo wada-hada 6. Labada dhinac iyo Dawladda Turkigu waxa ay isku raaceen in wargelin kooban la siiyo bulshada caalamka. 7. Iyada oo la tixraacayo wada-hadalkii labada dhinac ku dhex maray Istanbul oo Turkiga ah, markii taariikhdu ahayd 7-9/July 2013ka, waxa ay isku raaceen inay muddo shan iyo afartan cisho ah ku dhisaan Guddiga maamulka socdaalka hawada (Air Traffic Control Board) 8. Labada dhinac waxa ay isku raaceen inay dhisaan guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood (dhinac kastaaba laba ayuu keenayaa). Labada guddi farsamo-na waxa kormeeraya labada wasiir ee u xilsaaran 9. Waxa aynu wadaagaynaa xanuunka iyo dhibta ay dadka Soomaalida ah u geysteen keli-teliskii milatarigu guud ahaan Soomaalida, gaar ahaanna dadka Somaliland Salaanmedia/Hargaysa