Daawo Muqaal:Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, oo shacabka reer Muqdisho uga digay in ay ka fogaadaan, Xarumaha Dowladda iyo Amisom.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu shacabka reer Muqdisho uu kaga digay in ay isaga fogaadaan, Xarumaha Dowladda iyo Amisom.

Wuxuu sheegay in xilli kasta ay weerar ku yihiin Xarumaha Dowladda iyo Amisom, isla-markaana aynaan doonayn in ay dhibaato ka soo gaartay buu yiri dadka Muslimiinta ah.

Abuu Muscab, wuxuu qeexay in ninkii dhegaha ka fureysta digniinahooda, waxyeelana ay ka soo gaadho  weerarada ay geysanayaan, ayuu sheegay in uu hadhow sababteedu lee yahay, wixii khasaaro ah oo soo gaadha.

Digniintaan, ayaa daba socota mid Axadii jeediyay Waaliga Gobolka Banaadir ee Al Shabaab Cali Maxamed Xuseen “Cali Jabal”.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay dareensan yihiin diyaar garowga xoogan, ee ay ku jiraan Ciidanka Dowladda iyo dhinacyada kale ee taageeraaya.

Dowladda, ayaa waxay yoolkeedu ku sheegtay in sanadka 2014-ka ay gebi ahaanba dalka ka saarto Ururka xiriirka la leh Shabakada tunka weyn ee Al Qaacida.

 

 
  
Â