Daawo Sawirada Xafladii Xisbiga WADDANI Laantiisa Seattle Washington Oo Loo Soo Agaasimay Si Heer Sare Ah.

3

Daawo Sawirada Xafladii Xisbiga WADDANI Laantiisa Seattle Washington Oo Loo Soo Agaasimay Si Heer Sare Ah

Seattle -Waxa caawa oo bishu tahay January 19,2014 ka dhacday magaalada Seattle Washington ee USA xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo wacyigelinta iyo dardargelinta arrimaha xisbiga WADDANI ee Seattle Washington.
Xafladda waxa ka soo qaybgalay bulshada Reer Somaliland ee deggan Washington qaybaheed kala duwan oo rag iyo dumarba leh,dhalliyaro iyo madaxda Community Somaliland ee Seattle Washington.
Waxa madasha hadal ka soo jeediyey Gudoomiyaha xisbiga “laanta” Seattle Washington Mudane AliBashiir (madadaal) oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda xisbiga, himilooyinka iyo mabaadiida guud ee xisbiga WADDANI,Gudoomiye AliBashiir waxa kale oo si faahfaafsan uga hadlay qorshaha xisbiga ee dhaw iyo qorsha xisbiga ee fog labadaba, waxa kale gudoomiyuhu ku dheeraaday waxyaaba xisbiga WADDANI ka turjumayo.
Waxa kale oo xafladda xisbiga WADDANI ka hadlay Haji ismail Kabadhe oo ka mid ah odayaasha waayo arag ah ee Reer Somaliland,Haji ismail wuxu ku dheeraaday baahiyaha keenay xisbiga WADDANI ee ka mid yihiin: Qabyaalada soo noolaatay,Musuqmaasuqa dalka ragaadiyay,Caddaalad darrada dalka ku habsatay iyo arrimo badan oo la xidhiidha tabashada bulshada Reer Somaliland laga soo bilaabo lowyado illaa Laasanood,
waxa kale oo ka hadlay xafladda Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane CABDIRAXMAAN MAXEMED CABDILLAHI (CIRRO) oo khadka telefoonka si toosa ugala hadladyay tageerayaasha xisbiga waddani waxaa kaloo khadka telefoonka kula jirau Afhayeenka Xisbiga WADDANI Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka hadlay baahida loo qabo kobcinta xisbiga waddani,isla markaana labada mudane ay aad ugu mahad naqeen tageerayaasha xisbiga waddani “laanta” Seattle Washington uguna baaqeen wada shaqeen wacan.
waxa kale oo xafladda ka hadlay gudoomiye –xigeenka xisbiga WADDANI “laanta”Seattle,gudoomiyaha garabka haweenka iyo gudoomiyaha garabka dhallinyarada waxay dhammaantood ku dheeraadeen qorshaha guud ee xisbiga WADDANI u yaala sida la dagaallanka qabiilka ,musqmaasuqa xidhiidhka haweenka iyo xisbiga , xidhiidhka dhallinyarada iyo xisbiga.
Waxa xafladda xisbiga WADDANI soo gunnaanaday Afhayeenka Xisbiga WADDANI “Laanta” Seattle Mr Iid mahamed ibraahin oo ka hadlay mabaadiida guud ee xisbiga sida midnimada, horumarka,nabad iyo hirgelinta himilooyinka ummadda Somaliland hiigsanayso ee ay ugu horeyso Madaxbannaani taam ah iyo horumar dheelitiran oo dhinac walba leh,waxa kale oo Afhayeenku ka hadlay in xisbiga WADDANI uu taagan yahay Caddaaladda ,Sinnaanshe ,Xoriyada, Waddaniyadda iyo danta guud ee dadka iyo dalka.

Alla Mahad leh,

Afhayeenka Xisbiga WADDANI “Laanta” Seattle

Mr Iid Mahamed Ibraahin

1 4 5 6 7 8