Daawo Sawiro.. Beel Kasoo Jeedda Deegaanka Cadaadley Oo Sameeyey Duco-wadareed Ay Ku Casuumeen Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Iyo Ballan-qaad Uu U Sameeyey.

Beel Kasoo Jeedda Deegaanka Cadaadley Oo Sameeyey Duco-wadareed Ay Ku Casuumeen Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Iyo Ballan-qaad Uu U Sameeyey.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey, ayaa maanta degmada cadaadley kaga qaybgalay duco balaadhan oo ay dhigteen beesha qaasim isaxaaq.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo halkaas ku tagay martiqaad rasmi ah oo  uu ka helay beeshaas qaasim isaxaaq oo ku ducaysatay deegaankaas cadaadley isla markaasna halkaas ku qalay 40 geel ah oo ay ugu talogaleen duco, isla markaasna u ballanqaaday inuu dhamaystiro maxkamaddii degmada oo qabyo ah.

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa markii uu gaadhay degmada cadaadley si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada isagoo la hadlay bulshadii uu kala qaybgalay ducada ayaa uga mahadceliyey shacabka reer cadaadlay sida ay usoo dhaweeyeen una qaabileen waftigan uu hogaaminayey, isaga oo sheegay inay magaalada cadaadley ay ahayd deegaan ku fiican waxbarashada, wax soo saarka beeraha, dhinaca milateriga iyo dhaqaalaha, haddase dayac badani jiro.

“waxa uu shacbiga cadaadley ka dhawaajiyey in dayac badan oo ka muuqda magaalada iyo waxqabadkeeda maanta se xilku wuxu saaranyahay xukuumadda talada haysa haday tahay waxbarasho, waddo, caafimaad iyo beero intaba xukuumadda maanta jirta ayaa laga rabaa.” Ayuu yidhi gudoomiye cirro

Waxanu intaas raaciyey oo uu yidhi: “Anagu xisbi mucaarid ah ayaanu nahay, waxyaabihii la sheegay ee maxkamaddu ka mid ahayd waxanu jecelnahay intii la dhameeyey mooyee inta dhiman inaanu dhamayno haddi ilaahay ka dhigo, waddadana wixii aanu idinkala qabankarno waanu idinla qabanaynaa, ballanqaadyadaas horena ahayd fuli waayeen waxaanu jecelnahay in aanu anagu fulino inshallaahu marka annagu nimaadno.”

 Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka mid ahaa waftiga gudoomiyaha ee cadaadley tagay oo isna u mahadceliyey bulshada soo  dhaweysay waftiga isagoo sheegay inaanay u iman olole xisbi balse ay ku yimaadeen martiqaadka ducada ee ay u fidiyeen reer cadaadley “olole ma wadno ee waxaanu kasoo qaybgalnay inaanu idinla soo qaybgalno ducada, oo idinla quwayno idinkuna aad noo soo ducaysaan, dalabkaas oo ahaa mid xaggiina ka yimid oo salaadiinta iyo madaxdhaqameedka ka yimid oo yidhi gudoomiyuhu hanagala soo qaybgalo ducada”.

Waxa iyaguna sidoo kale madasha ka hadlay Xildhibaan Xuseen Ismaaciil iyo Madax dhaqameedka degmada oo dhammaantood soo dhaweeyey waftiga gudoomiyaha.

Salaanmedia/Hargaysa

OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA