Daawo Sawiro (Xafladii caleemasaarka Suldaanka Guud ee Qurbajoogta Somaliland (Suldaan Xaaji Axmed Diiriye Aw- Guleed) ka dhacay London

IMG_3339

Waxa habeenkii xalay ahaa oo Tariikhdu ahayd 4-ta January 2014 magaaladda London lagu caleemo Saaray Suldaanka Guud ee Qurba-Jooga Somaliland: Suldaan Xaaji Axmed Diiriye Aw Guleed oo ah shakhsiyad aad looga yaqaano dalkan Ingiriiska.

IMG_3393

 Xafladda oo aad u balaadhnayd waxa soo buux dhaafiyey shacab weynaha reer Somaliland oo ka kala yimid Daafaha Dalkan Ingiriiska iyo dibadaba. Xafladda Suldaanka lagu caleemo saarayey ayey ka hadleen marti-sharaf aad u kala duwan oo kasoo jeeda shacabweynaha Somaliland iyo xisbiyadda qaranka Somaliland ka jira.

IMG_3530

Kulanka oo dhamaan dadkii ka hadlay ay aad ugu hanbalyeenSuldaanka. Iyagoo dadkii kasoo qaybgalay xafladda ay maragfureen in uu wax weyn ka tari doono Suldaankan Cusubi Suldaan Xaaji Axmed Diiriye Guleed. Waxa kale oo ay cadeeyeen dhamaan marti sharafkii ka hadlay in Suldaan Xaaji Axmed uu bulshada reer Somaliland intii uu dalkan deganaaba uu wax weyn ka qabtay dhinacyada walaaleynta iyo horumarka ee guud ahaan Somailada qurbahaha, isagoo ay bulshadu qirtey in uu wax weyn ka bedeli karo isu soo dhaweynta iyo horumarka qurbajoogta Somaliland.

IMG_3320

Suldaan Xaaji Axmed Diiriye Guleed oo ugu danbeyntii erayo kooban kasoo jeediyey xafladdi caleemo saarka ayaa aad ugu mahadcelyey dhamaan dadkii kasoo qaybgalay kana akhriyey duco aad u dheer uu ilaahay waydiiyey inuu iftiinka iyo aakhiroba inagu sugo jidka toosan.

IMG_3377

Waxa uuna Suldaanku cadeeyey in suldanadani tahay mid ku salaysan Qurba-jooga Somaliland oo aaney haba yaraatee shaqo ku lahayn saldanad beeleed, reer, qabiil ama gobol midna. Isagoo tilmaamay inaan marna lagu qaldin saldanadaha batay ee qaba’ilka Somalida ay tiisu ku eg tahay qurba waynaha iyo danahooda keliya.

IMG_3320 IMG_3329 IMG_3337 IMG_3339 IMG_3344 IMG_3346 IMG_3348 IMG_3352 IMG_3366 IMG_3373 IMG_3377 IMG_3383 IMG_3389 IMG_3393 IMG_3418 IMG_3423 IMG_3444 IMG_3456 IMG_3461 IMG_3485 IMG_3490 IMG_3496 IMG_3500 IMG_3508 IMG_3510 IMG_3526 IMG_3530 IMG_3533 IMG_3538 IMG_3542 IMG_3560 IMG_3561

Salaanmedia/London