Dagaal laga cabsi-qabo inuu ka Qarxo Tuulladda BOODHLAY iyo Maamulka Gobolkaas oo dhagaha ka Fureystay Xaalada Cakiran ee halkaas Read more: Dagaal laga cabsi-qabo inuu ka Qarxo Tuulladda BOODHLAY iyo Maamulka Gobolkaas oo dhagaha ka Fureystay Xaalada Cakiran ee halkaas

Dagaal laga cabsi-qabo inuu ka Qarxo Tuulladda BOODHLAY iyo Maamulka Gobolkaas oo dhagaha ka Fureystay Xaalada Cakiran ee halkaas Read more: Dagaal laga cabsi-qabo inuu ka Qarxo Tuulladda BOODHLAY iyo Maamulka Gobolkaas oo dhagaha ka Fureystay Xaalada Cakiran ee halkaas
sawirka-dagaalka

Burco 20/01/2014-(Salaanmedia.com)-Tuuladda Boodhlay oo ka tirsan Gobalka Daad-madheedh, ayaa waxa ka taagan xaalad colaadeed oo muddooyinkii u dambeeyay ay halkaas isku horfadhiyeen laba beelood wallaalo ah oo wada degan deegaankaasi. Isla markaana waxa la sheegay in maamulkii Gobalka Daad-madheedh iyo kii Degmaduba ay wax talaabo ah qaadin, taasoo la tilmaamay inay isku
daawanayaan xaalada laga baqaayo inay qalalaase ka dhaco deegaamadaas. . Halka la sheegay inay colaadan ay ka bilaamantay bali qodistii iyadoo ilaa hadda ay isku horfadhiyaan labada beelood halkaas, waxa kale oo halkaas isku horfadhiya ciidamo beeloodyo hubaysan oo halkaas la soo dhoobay. Madaxa sirdoonka Gobalka Daad-madheedh Maxamuud Jiciir iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa shalay gaadhay deegamada labada beelood isku horfadhiyan, isla markaana waxa uu la qaatay kulamo kala duwan ciidan beeleedka halkaas la soo dhoobay, kuwaasoo ku hubaysan qoryaha noocyadooda kala duwan. Waxaanu madaxa sirdoonka Gobalka Daad-madheedh ugu baaqay ciidamo beeleedka inay dhigaan hubka, Waxaanu yidhi,“Anagu waxaanu nahay weftigii koobaad ee idin yimaada, waxaana ka soconaa dawlada. Waxa jirta wareegto Madaxweynuhu soo saaray oo madnoocaysa deegamaynta, waana intaas la tixgaliyaa. Waxaana dhacay khalad oo maamulkii ayaa ka baxay meesha. Maamulkana waxa sixidoona maamulkiisa. Dhalinyarada hubka ka dhiga oo ammaanka dib u soo celiya, iyagana anaga nagu haleeya.” Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay mid ka mid ah maleeshiyo beeleedka halkaas isku horfadhiya, waxaana ka mid ahaa hadalkooda sidan. “Shalay waxaanu halkan ku nimi laba gaadhi oo ciidan ah, midna waxa uu qabtay Goraya-Ooda. Waxaana meesha ka jirta xaalad dhaba oo la is-kugu dhaartay, hadii la waayo dawlad kala qabata waxay dan is baday beelaha meesha yaala ee isku haya.” Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay ka mid ah isaguna dhinaca kale ayaa waxa uu yidhi, “ Waxa loo baahan yahay inay yimaadaan Odayaal iyo xukuumad-ba oo ay u soo gurmadaan oo xabada aya afaraha ka bixin, waxaana loo baahan in la eego in suurta gal tahay in bali halkan laga sameeyo iyo in kale. Haddii aanu helilahayn wax kaliya oo runta noo kala sheegaaya waxbay ahaan lahayd, haddii nalaga khaldlan yahayna inay naga qabtaan.” Dhinaca kale waxaanu xalay isku daynay innaanu khadka Telifoonka kula xidhiidhno Guddoomiyaha Gobalka Daad-madheedh iyo maamulka degmada, balse nasiib-daro waxay naga qaban wayeen Telifoonadoodii gacanta. Waxaa la sheegay in maamulka Gobalkaasi aanu wax talaabo ah qaadin ilaa immika xaalada colaadeed ee halkas ka aloosan. Read more: Dagaal laga cabsi-qabo inuu ka Qarxo Tuulladda BOODHLAY iyo Maamulka Gobolkaas oo dhagaha ka Fureystay Xaalada Cakiran ee halkaas

C/Khaalaq Diiriye Budhle (Laaqalo)