Dawladda Soomaaliya, ayaa maanta tiro dad ah oo ka mid ahaa Soomaalidii laga soo daad-gureeyay dalka Koonfurta Suudaan

image

(SM-Hargeysa) – Dawladda Soomaaliya, ayaa maanta tiro dad ah oo ka mid ahaa Soomaalidii laga soo daad-gureeyay dalka Koonfurta Suudaan oo dagaalo ka socdaan u soo ambo-bixisay dhanka Magaalada Hargeysa.

Dadkan oo tiro ahaan dhan 10 ruux isla-markaana guud ahaantood ah reer Somaliland, ayaa ka mid ahaa dadkii dhawaan dawladda Soomaaliya ka soo daad-gureysay dalka Koonfurta Suudaan, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Abtidoon Xalane “Illaa iyo 10 qof ayaan  u amba bixinay magaalada Hargeysa ee gobollada waqooyi (Somaliland), kuwaasi waxay ka mid ahaayeen tiro dad ah oo dhawaan ay dowalddu ka soo qaadday dalka Koonfurta Suudaan”ayuu yidhi, Mr. Xalane.

Waxaa kaloo uu Xalane sheegay in dadka ay u soo direen Hargaysa markii laga keenay Koonfurta Suudaan la dajiyay Hoteelo ay ku nastaan ,isla markaana ay jiraan kuwa kale oo dhawaan ,iyagana lagu celin doono gobolladii ay u dhasheen ama eheladooda ay daganyihiin “Dadka la saaray diyaaradda ee loo diray Hargaysa waa wejigii kowaad, waana ay inoo qorshaysantahay in inta dhiman maalmaha soo socda la amba baxiyo” ayuu yidhi.

 Salaanmedia/Mogdisho