Dowladda Mareykanka oo warar dheeraad ah kasoo saartay Weerarkii Westgate lagu qaaday

Daawo Muuqaalo cusub oo laga soo duubay dhacdadii Westgate ee Dalka Kenya.

Dowladda Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday inay geeriyoodeen dhamaan dadkii weeraray Dhismaha Westgate ee Magaalada Nairobi, weerarkaasi oo dhacay 21-Septembar ee sanadkii aan soo dhaafnay.

War kasoo baxay FBI-da Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in loo haayo cadeymo rasmi ah oo muujinaya inay geeriyoodeen ragii weeraray Westgate ee ku dilay halkaasi dad gaaraya ilaa 67-ruux sidoo kalena dhaawacay ku dhawaad 200 oo ruux.

Dennis Brady, oo ka tirsan FBI-da Mareykanka ayaa sheegay kadib waraysi uu bixiyay, inay aaminsan yihiin sida ay ka xigteen saraakiisha Kenya in afar ruux oo kamid ah dadka weerarka qaaday weerarka lagu dilay.

“Kooxdeena cadeymaha waday ayaa xaqiiqda soo saaray, mana jirto wax cadeyn ah oo ku aadan in dagaalyahanada ay ka baxsadeen goobta”Ayuu yiri Dennis Brady oo ka tirsan Hay’adda sirdoonka Mareykanka.

Sarkaalkaan ayaa wuxuu beeniyay warkii Al-Shabaab ee ahaa inay baxsadeen ragii weeraray Dhismaha Westgate ee halkaasi ku dilay dadka badan, sidoo kalena dhaawacay dad kale oo aad ubadan.

Warkaan kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa wuxuu shaki gelinayaa inay nool yihiin ragii weeraray Westgate iyo inkale,waloow FBI-da ay sheegeyso inay hayso cadeymo ku aadan inay ragaasi dhamaantood geeriyoodeen.

Dowladda Kenya ayaa horay usheegtay in gabi ahaanba la dilay ragii weeraray Xarunta Ganacsiga Westgate, waloow Al-Shabaab ay sheegeen inay baxsadeen qaar kamid ah ragaasi.

Salaanmedia/Mogdisho