Guddoomiyaha Cusub ee Selal Iyo Waxgarad kale oo Baaq u diray Dadweynaha Gobolka.

Badhasaabka cusub  ee salel

Hargeysa (SM)- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Salal ooh ore u ahaa Wasiirkii hore ee wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska dawladdii hore ee madaxweyne Daahir Rayaale iyo xildhibaano ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ka jawaabay hadallo dhawaan ka soo yeedhay shakhsiyaad ka soo jeeda gobolka Salal oo si qaawan u weeraray xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanay eedaymahaasi ku tilmaameen qaar aanay waxba ka jirin.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Salal Cabdirisaaq Waaberi Rooble wasiirkii hore ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye iyo laba xildhibaan oo ka tirsan golaha guurtida oo kala ah Axmed Waaberi Maydhane iyo Sheekh Maxamuud Xirsi Faarax oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Huteel Xaraf ee magaalada Hargeysa waxa kale oo ay ugu baaqeen dadweynaha gobolka Salal inay ilaashadaan nabadgelyadooda ,waxaanay tilmaameen in loo baahan in wada-hadal lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Salal Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa waxa uu tilmaamay in wanaagsan u gudan doono xilkan loo magacaabay, isla markaana uu ka filayo shacabka gobolka Salal inay si kalsooniya ula shaqayn doonaan.
Cabdirisaaq Waaberi Rooble waxa uu hadalkiisa ku bilaabay. “Gobolkan la ii magacaabay waxaan rajaynayaa inaan si daacad ah u guto kalsoonidaa madaxweynuhu igu magacaabay in aan aniguna nin waajibadkiisa ka soo baxa aan noqdo, waxaanan ka rajaynayaa shacabka gobolka Selal degan inay iila shaqeeyaan si wanaagsan, qofna keligii waxba ma qabto.”
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Selal waxa uu ugu baaqay dadweynaha gobolka Selal inay ilaashadaan nabadgelyada waxaanu yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa shacbiga gobolka SElal inay ilaashadaan nabadgalyada ummadda Illaahay meel wada dhigay, colaaduna waxba ma keento horumar ma keento wiil uun baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, nabaduna waxay salka ku haysaa horumar, waxaan leeyahay dadka gobolkaa wada degaan ee walaalaha bani’aadam ayaynu nahay wax waa lagu murmi karaa, waana laga garnaqaa waana laga heshiiyaa.”

Wasiirkii hore ee wasaaradda dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Cabdi Siciid Faahiye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu tilmaamay in aanay beesha gobolka Selal la qabin hadallo dhawaan ka soo yeedhay shakhsiyaad ka soo jeeda gobolkaas oo si qaawan u weeraray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi, “Beesha gobolka Selal hadday doonayso inay xukuumadda la hadasho dariiqii loo marayay waa la yaqaanaa, ma fiicna doorashooyinkii golaha deegaanka wixii dhacayna wax laga tagey weeye, maantana waxa socota sidii aynu uga heshiin lahayn, isla markaana dadka deegaanka degani ay wax u wada qabsan lahaayeen.”

“Dawladduna taas ayay diyaar u tahay umana baahna wax fidma oo gobolka la galiyo oo kiciya oo dib ugu soo celiya wax dhacay, waxaan leeyahay hadday wax jiraan oo wax naga galaan dadkaa aanu walaalaha nahay ee aanu wada degno waanu garanaynaa wada hadlaynaa.”

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay laba xildhibaan oo ka tirsan golaha guurtida oo kala ah Axmed Waaberi Maydhano iyo Sheekh Maxamuud Xirsi Faarax, waxaanay xuseen inaan loo baahnayn in xumaan la dhex dhigo dadka walaalaha ee wada degan gobolka Selal fidno, balse laga shaqeeyo sidii wax ay u wada qabsan lahaayeen.

Salaanmedia/Hargeysa