Guddoomiye Cirro Oo Sheegay In Aanu Gorgortan Geli Karin Madax-Banaanida Somaliland

image

“..Shacbigu 97% ayuu ku goostay inay gooni-isu-taagaan, Maanta Baahi uma qabno..”

Md. Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa(SM)-Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa gaashaanka ku dhuftay Afti mar labaad Shacbiga reer Somaliland lagu weydiiyo mawqifkooda ku aadan Midnimada iyo goon-isu-taaga Jamhuuriyada Somaliland.

Guddoomiye Cirro waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi Magaalada Hargeysa Shalay uu ku siiyey Idaacada BBC-da, Saacado kooban kadib markii Wasiirka Khaarajiga Somaliland uu qiray in Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland aakhirka ku biyo shuban doonaan in Dadweynaha laga qaado Afti ku saabsan mawqifkooda ku aadan Midnimada iyo goon-isu-taaga Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalena Guddoomiyaha Xisbiga waxa uu lama taabtaan ku tilmaamay go’aankii Shacbigu ku qaatay madax-bannaanida Dawlad-nimadooda.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey mawqifka Xisbiga WADANI ka taagan yahay in Qaddiyada Somaliland iyo aragtida Xisbigooda ku aadan in labada dhinac ku kala baxaan Afti qaadis, waxa uu yidhi; “..Mawqifkayagu waxa weeye in aan gor-gortan la gelin Karin gooni-isu-taaga iyo Madax-banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Afti hore ayaa loo qaaday oo Shacbiga Boqolkiiba todoba iyo Sagaashan ayuu ku goostay inay gooni-isu-taagaan, markaa Afti loo baahan yahay in aanay jirin ayaan qabaa. Caalamku markaaba goob-joog buu ahaa oo Safiiro iyo hay’ado Caalami ah ayaa joogay, iyagaana qoray oo warbixinahoogii ayaa Dunida oo dhan laga helayaa, markaa waxaan qabaa Aftidaasi waxaynu ku deg-degno oo Maanta aynu baahi u qabno in aanay ahayn”.

Md. Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlayey mawqifka Xisbiga WADANI ee ku aadan Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi; “..Mawqifka Xisbiga WADANI waxa weeye waanu ogol nahay Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waayo waxa lagu qaatay mawqif mideysan oo dalku u dhan yahay Xukuumad,Axsaab iyo Goleyaalba , sidaa in lagu wado ayaanu aaminsan nahay laakiin haddii Xukuumadu isku koobtay waxa looga baahan yahay inay mar walba Axsaabta la tashato, warna siiso Axsaabta iyo Shacbiga”.