Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaaho Cabdiraxmaan Ciro oo Wasiiro ka tirsan Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo…

Kalfadhigii Barlamaanka Somaliland ee Maanta oo gudi u saaray Dilkii dhici soobay ee lagula kacay Maxamed Faarax Qabile iyo Xeer la Ansaxiyey

 

 

 

 

Jan 6,2014 Hargaysa(SM)-Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa tallaabadii ugu horaysay farta ugu yeedhay Wasiiro ka mid ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in maalmaha soo socda si-dhakhso ah u hor-imanayaan aqalka Xildhibaanadda Baarlamaanka Somaliland,

kuwaas oo kala ah, Wasiirka Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale. Isla markaana waxa uu ku dhawaaqay Guddi loo saaray hir-galinta qorshaha hawl maalmeedka Golaha wakiilada Somaliland. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo shalay ka hadlay fadhigii golaha wakiilada, waxa uu sheegay in ajandahan dhigaayo in maalmaha shaqo ee soo socda iyagoo racaaya ansixinta miisaaniyada qaran in loo yeedho masuuliyiinta xukuumada, waxaanu yidhi,

“Waxa kale oo ajandaheenu dhigayey in maalmahan shaqo ee soo socda uu ka koobnaan doonaa, inaga oo raacayna go,aankii ansixinta miisaaniyada qaranka in loo yeedhayo Wasiiradda kala ah, kuwaas oo golaha uga war-bixinaaya arrimaha miisaaniyada la xidhiidha. Waxaa Golaha hor iman doona Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka Dr. sacad Cali Shire, Cabdicasiis Maxamed Samaalle iyo Wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale. Wasiirka maaliyada oo isagu ka warbixin doona miisaaniyada gaar ahaan khasnada dawlada, kuwa kalena waxa la waydiin doonaa arrimaha shaqadooda.” Guddoomiye Cabdiraxmaan waxa kale oo hadalkiisa sii raaciyay “Waxa uu Goluhu ansixiyey qorshe hawleedka golaha ee 2013-2015.

Qorshe hawleedkana waxa ku jiray inuu goluhu magacaabo Guddi gaar ah, kuwaas oo ka soo tallo bixindoona xeer-hoosaadka golaha iyo dhamaan hawlaha kale ee khuseeya gole weynaha.” Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan waxa kale oo uu ka hadlay xubnaha ay noqon-doonaan, waxaanu yidhi, “Xubnahaasina waxay noqon doonaan dhamaan Guddoomiyayaasha Guddi-hoosaadyada golaha iyo sadex xubnood oo kale, kuwaas oo ah xildhibaan Baar Siciid, xildhibaan Cabdi Maxamed Jaamac iyo xildhibaan Xamse Maxamed Gaada Wayne, waxaanan siinayaa muddo laba wig ah inay ku soo dhameeyaan hawshaas dabadeedna ay ku soo celiyaan shir-gudoonka arrimaha la xidhiidha xeer-hoosaadkana waxa lagala tashan doonaa Guddida joogtada ah ee golaha”

Salaanmedia/Hargaysa