Hayada Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International oo Canbaaraysay Xadhiga Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer Baaqna Ka Soo Saartay

Hayada Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International oo Canbaaraysay Xadhiga Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer Baaqna Ka Soo Saartay
photo.php

Nairobi-(Salaanmedia.com)- ka soo baxay Hay’adda Amnesty International ee Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay Xadhigii ay Dhawaan Xukuumada Somaliland u gaysatay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar kaasi oo haatani ku jira Saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa. Amnesty ayaa warbixinteeda ku Sheegtay in ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee RRU ay si xooga aqalkiisa ugala baxeen masuulkani 3dii bishii January sanadkani taasi oo aanay jirin wax yeedhma ah amaba waaran maxkameed oo loo keenay masuulkani hore uga tirsanaa xisbigii talada Somaliland lagaga guulaystay ee UDUB. Hayada Amnesty waxay shaaca ka qaaday in xadhiga masuulkani yimi iyadoo aanay jirin ayay yidhaahdeen in hayadaha aminga ee Somaliland aanay ku soo oogin wax danbiya iyo waaran maxkamadeed oo la xidhiidha fal danbiyeedka loo xidhay. Warbixintu waxa ay intaasi ku dartay in xukuumadu ay dib xoriyadiisa ugu soo celisay laba maalmood xadhigiisa hore balse waxaa jirtay in markii masuulkani oo ku sii jeeday magaalada Burco oo qoyskiisu deganaa ay mar labaad xukuumadu xabsiga dib ugu taxaabtay ilaa haatana uu ku jiro mudo 10maalmood ah wax sharciya oo la hor geeyayna aanay jirin. Ugu Danbayntiina Warbixintani ay soo saartay hayada Hay’adda Amnesty International waxay ku dhaleecaysay xadhigaasi ay ku kacday xukuumada Somaliland iyadoo ku ladhay in mudooyinkii ugu danbeeyay ay diwaangaliyeen Tacadiyo lagula kacay shaqsiyaad ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland iyo waliba qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa banaan waxaanay xukuumada Somaliland ugu baaqeen inay ilaaliso xoriyatal qawlka iyo nidaamka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hana qaaday.