Hogaamiye Kun Dollar oo lacag ah siinaya Waalidiinta Wiilashooda u bixiya Magaca Maxamed

 

XA

Hogaamiyaha Jamhuuriyada Islaamiga ee Jejniya Ramzan Kaydrov ayaa Shaaca ka qaaday in lasiin doono lacag dhan Kun Dollar Waalidiinta Jejniya u dhashay ee ubadkooda u bixiya Magaca Nabigeena Maxamed (NNKH).

Ramzan Kaydrov ayaa sheegay in lacagta abaal marin ahaan loo siinayo Qoyskii ubadkooda u bixiya Magaca Maxamed ay Bixin doonto Hay’ad ay Hooyadiis Madax katahay oo inta badan Deeqaha bixisa.

Hogaamiyahan ayaana xusay in Fikirkan ay leedahay hooyadiis ayna ugu tala gashay in ay ku abaal mariso Qoysaska ubadkooda u bixiya Magaca Maxamed iyo sidoo kale Magacyada Xaasaska Nabigeena (NNKH) .

Websetka RAI Novosti oo warkan qoray ayaa sidoo kale Baahiyay in Lacagta Kunka Dollar ah la siin doono Qoysaska ilmahooda u bixiya Magaca Xaasaska Nabiga ama magacyada caruurtiisa iyo sidoo kale 10-ka Asxaabi ee iyaga nool Janada loogu bishaareeyay.

Jamhuuriyada Islaamiga ee Jejniya ayaa qorshahan lacagta abaal marinta lagu siinayo Qoysaska islaamka ee Magacyada wanaagsan ubadkooda u bixiya waxa ay uga gonleedahay in lagu hor mariyo Diinta Islaamka dadka si aad ah loo jecleesiiyo.

Salaanmedia/Hargaysa