Hogaanka Maamulka Jubba oo maanta si weyn loogu caleemo saaray Magaalada Kismaayo

image

Madaxa Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa waxaa maanta lagu caleemo saaray Munaasabad si weyn loo soo agaasimay, oo ka dhacday Madaxtooyada Magaalada Kismaayo.

Munaasabadaan, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Somaliya, Ku Xigeenka Madaxweynaha Puntland, Wakiilo ka socda Dowladda Jabuuti, Ergaga Qaramada Midoobe ee Somaliya, Wakiilka Igad ee Somaliya, xubno ka socda Midowga Afrika, Safiirada dalalka Itoobiya, Kenya, Sweden iyo xubno kaloo muhiim ah.

Dhinacyadaan oo siyaabooyin kala duwan kaga hadlay Munaasabadaan, ayaa waxa ay si diiran u bogaadiyeen Hogaanka Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam.

Ergaga Qaramada Midoobe ee u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa waxa uu Axmed Madoobe ku ammaanay dhameystirka xubnaha Golahiisa Wasiirada.

Danjire Kay, ayaa waxa uu xusay in dhameystirka Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubba, uu Axmed Madoobe ku saleeyay heshiiskii ka dhacay Magaalada Addis Ababa, daba-yaaqadii bishii August ee sanadkii tagey.

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar, oo ku hadlaayay magaca Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Dowladdu ay soo dhaweyneyso caleemo saarka Madaxa Jubba.

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar “Camey”, ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Puntland uu soo dhaweynaayo Dhismaha Golaha Fulinta ee Maamulka Jubba iyo caleemo saarka Axmed Madoobe.

Dhinacyadii kale ee ka hadashay Munaasabada lagu caleemo saaray Hogaanka Maamulka Jubba, ayaa waxay ku booriyeen in ay soo dhisaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Jubba, lagana soo xulo Deegaanada Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Salaanmedia/Mogdisho