Maal-qabeenka reer Somaliland ee Maxamed Yuusuf oo cadeeyey in Somaliland ay ka jirto Fursad Maalgashi maqaal lagu qoray BBC da…

he joys of investing in Somaliland

Fursad Maalgashi Soomaaliland

?Sidaad lacag uga sameyn dal aan la aqoonsaneyn? !

Taasi waa su?aasha ay dad badani is weydiiyaan, mar kasta oo uu Maxamed Yusuf damco in uu soo jiito maalgashiga Somalilan.

Waxa jirta in aan in badani ogsoonayn

Soomaaliland in ay tahay dal madax dal banaan oo ka go?ay Somalia 1991kii. Waxa kale oo anay ogayn in uu yahay dal ay ka hirgashay dimoqraadiyadu isla markaana uu ka jiro ganacsi xoogan. Maxame Yusuf Waa xog?ogaal ku xeel dheer ganacsiga qaybihiisa kal duwan. Waxa uu dalka Ingiriiska ka aas-aasay  Shirkada ?Invicta Capital Limited?   taas oo uu damacsanyahya in uu ku xidho dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalkiisi Hooyo- Somaliland.  Sida uu sheegay Aabihii iyo awoowayaashii Somaliland ayey ka soo jeedaan isaga laftiisu halkaas ayuu ku dhashay lixdan sano ka hor. Maxamed Yusuf waxa uu tilmaamay in ay maankiisa ku abuuran tahay ganacsigu, isla markaana uu yahay taariikh iyo hidde uu ka dhaxlay qoyskooda oo ka kalluumaysan jiray xeebaha Bari ee Somaliland isla markaa u iib gey jirey Kalluunta Caden. Sida uu u sheegay wareysi uu dhowaan siiyey barnaamijka ?Rajada Afrika ee BBCdu siidaysay ?African Dream?.

 

Maxamed waxa uu ku barbaaray England halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisa. Isaga oo noqday Looyar-garyaqaan ku takhasusay, sharciyada; Ganacsiga,  dhinaca hantida gaarka ah, dhowrsaanta, qoraalka, Allifaadda, iyo sharciyada warbaahinta ( copy right laws and media).

 

Sanadkii 1999kii waxa uu aas-aasay shirkad isaga u gaar  ah ?Invicta Capital limited?. taasoo ku hawlan maalgashi dhinacyo kala duwan, sida tamarta cusub- ?new energy?. Invicta Capital hantideedu waxa ay gaadhey (ra?sulmalka) $2.3 billion sida ku cad warbixin lagu daabacay websaydka shirkada. Gaancsigiisa ku aadan dhinaca Soomaliland waxa uu hoos yimaadaa shirkad kale oo uu magac daray Prime Resources taas oo dhaqdhaaqeedu uu ka socdo Hargeysa Somaliland.

 

Halkan Hoose ka Akhri Qoraalka oo af Ingiriis ku qoran.

 

http://www.bbc.co.uk/news/world-africa-16603523

 

Xamse A Salaan

 

London