Madasha Oo Xukuumada Ku Eedeeyay Inay Wado Qorshe Shacabku Ku Kacaan, Kana Hadlay Xadhiga Guuleed, Kuna Hanjabay Inay Talaabo Qaadayaan

SAXJan 11,2014 Hargaysa(SM)-Siyaasiyiinta la baxay Madasha Wadatashiga iyo Toosinta qaranka, ayaa ku Eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay wado qorshe ay shacabka is-kaga horkeenayso, isla markaana waxay cawad ku mareen inay talaabo adag qaadidoonan haddii la dhawri waayo cadaaladda.

Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta qaranka Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay xadhiga lagula kacay Badhasaabkii hore ee Gobalka Togdheer, waxaanu ku tilmaamay inuu ahaa xadhig ayaan-darro ah.

Xasan Gurre oo shalay waraabihinta ugu waramayay magaaladda Hargeysa, waxa uu sheegay in Maxamed Siyaad Barre dadka ku odhan jirin magaalooyinka hategina, waxaanu yidhi “Guuleed maalintii dhawayd waxa lagu xidhay sabab la’aan, haddana mar kale ayaa la xidhay. Danbiga uu galayna waxa weeye Burco ayuu ku socday.

Maxamed Siyad Barre xitaa dadka kumuu odhan jirin magaaladada hategin, waana ayaan-darro. Anagu garan mayno goorta aynu ilaa xadkaas aynu gaadhnay. U dulqaadan-mayno maalin walba falka argagixisada ah ee dadka lagula kacaayo maaha mid ay ummaddu u dulqaadanayso, markaa waxaanu leenahay waa in si-deg-deg ah faraha looga qaadaa Guuleed.

Xukuumadda ayaa rabta inay dadku kacaan.” Xasan Gurre waxa kale oo uu sheegay in qof aan danbi galin in la iska xidhin-karin, waxaanu tilmaamay in dastuurku dhigaayo sidaas, waxaanu yidhi, “Qof aan dambi galin in la xidhaa waa xaaraan, dastuurka ayaana balan qaadaaya. Haddii aynu dastuurka laabno waxa weeye is-kayn siiya.

Guuleed dawladu way ka gar-daran tahay, haddii danbi loo haysto waxay ahayd in loo maro dariiqa sharciga ah.” Sidoo kale Xasan Gurre oo arrimahaas ka sii hadlayana waxa uu yidhi, “Haddii aad cadaaladda dhawri waydaan anaguna waanu naqanaa waddada aanu marayno sidii aanu cadaaladda idinku soo ridno. Xukuumadu waxay doonaysaa in shacabka masaakiinta ah ee reer Burco ay isku diraan oo iyaga ayaa ka dambeeya waxa ka dhacaaya Gobalka Togdheer.

Salaanmedia/Hargaysa