Madaxtooyada Oo Galka Ka Saartay Damaceedii KULMIYE + Khilaafkii Qarsoonnaa Oo Cagta Saaray Dhabbihii Burburka

Jan 7, 2013 Hargeysa(SM)– Loollanka Baar-qabada ku hirdamaya gacan ku dhigista maamulka qaban-qaabada Shirweynaha Sadexaad ee Xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa mar kale khilaaf sababay in laba garab loo kala safto uu ka dhex qarxay, kaasoo hada gaadhay heer Xukuumadu si toos ah uga dhex muuqato dhinacyada isku haysta awooda hogaanka Xisbiga iyo hawlaha Shirweynaha.

Wejiga Saddexaad ee loollanka Xisbiga KULMIYE oo noqday mid daboolka ka rogay arrami iyo utuno huursanaa, kuwaasoo koox weliba geesteeda la tiicaysay, balse aan cidina si toos ah usoo bandhigayn, marka laga reebo murug Xisbiga ku jiray hadallo hoos-ka-tuuro ah oo aan debada usoo bixin.

Hase-yeeshee la filayey inay mar qarxi doonaan, ayaa markii ugu horeysay hadda si aan gabasho lahayn debada ugu soo baxay, iyadoo Xukuumaduna geesteeda si cad daaha uga qaaday damaceedii u qarsoonaa ee u araminta mushaxiinta Doorashada iyo jaan-goynta hoggaanka hagi doona KULMIYE.

Murranka sharci iyo khilaafka maamul ee hadda soo laba-kac-leeyey oo runtii ka yimi jiho aan laga filayn, ayaa ka dhashay go’aan Madaxweyne-ku-xigeenka Xukuumada talada haysa Md. Saylici Guddiga Fulinta kaga dalbaday fadhi aan caadi ahayn inay Isniintii Shalay isugu yimaadaan Guriga uu degan yahay ee Magaalada Hargeysa.kulmiye-1024x510

Md. Saylici oo isagu si toos ah aan marna uga dhex muuqan loollanadii ka dhex oognaa dhinacdii garabadii ku hirdamayey hoggaanka Xisbiga, ayaa sida ku cad go’aankiisa hadda u muuqda inuu Jamaca ku qabsaday garabka xulafada xerrowga ah, iyagu haatan kasoo gagab goynaya dhirbaaxooyin kasoo gaadhay arimo ay ka mid yihiin tallaabadii lagu jebiyey damacii Wasiir Samaale ee Xisbiga iyo jallaafooyin kale oo kaga qarxay Qasriga Madaxtooyada. Kooxdan oo dadka dhaq-dhaqaaqa Siyaasada KULMIYE la socdaa ku tilmaamaan hawl-galadooda hadda kuwo ay ku maagan yihiin inay ku badhi-taaraan shakhsiyaad kale oo Kursiga hoggaanka riixda Muuse Biixi, maadaama Albaabkaasi iyaga kasoo xidhmay, waxana la tilmaamaa in xubnaha loo soo Carbiyey bedelka Xidigii Calankiisu dhashay ee Samaale uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Debada Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Geesta kale, Madaxweyne-ku-xigeenku Guddiga fulinta kaga dalbaday fadhiga aan caadiga ahayn, waxa ganafka ku dhuftay hoggaanka Xisbiga KULMIYE, oo iyagu ku tilmaamay go’aanka Madaxweyne-ku-xigeenka mid awoodiisa ka baxsan oo kasoo horjeeda Xeer hoosaadka Xisbiga, sidoo kalena waxay iftiimiyeen cidda sharciyan leh awooda isugu yeedhista Guddiga fulinta ee Xisbiga KULMIYE.

War-saxaafadeed ay Shalay wadajir usoo saareen Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga, Md. Xasan Siciid Yuusuf iyo Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), sidoo kale waxay kaga warbixiyeen heerka ay marayaan hawlaha qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo ku mudeysan 21/01/2014, War-saxaafadeedkaa oo faahfaahsanina waxa uu u dhignaa sidan;

“Shirweynaha 3aad ee Xisbiga KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xil-saaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:

In la doortay Guddoonkii Guddiga oo kala ah;

Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, Xoghaye iyo Afhayeen

Waxay diyaariyeen xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga

Waxay magacaabeen Guddi-hoosaadyadii u xil-saarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada

Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii (Work Plan) guddigu ku shaqayn lahaayeen.

Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannana u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah, shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka Xisbiga KULMIYE. Fadhiyada Guddiga fulinta Xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha Xisbiga, ajandeyaasha Guddigana waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo Gurigiisa uu ku nool yahay, waxa ay baalmarsan tahay sharciga iyo hab-dhaqanka Xisbiga. Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka hawlaha qabashada Shirweynaha Xisbiga, kaas oo ka gudbay marxalado badan oo hore. Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin. Alla Mahad Leh. Md. Maxamed Kaahin Axmed Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE”.

Is maan-dhaafkan oo kusoo beegmay xili qabsoomida Shirweynaha Xisbiga ay ka hadhay muddo aan ka badnayn laba toddobaad, ayaa u muuqda wareeggii kama dambeysta ahaa ee mar uun ay ku kala hadhi lahaayeen baar-qabadii isku doob jebiyey hanashada hoggaanka Xisbiga iyo kasbashada Musharaxiinta Doorashada Madaxtinimada, waxana la saadaalinayaa in natiijada arimahani ku dambeyn doonaan laba midkood; in Xisbiga KULMIYE loo faataxeeyo sidii UDUB iyo in Madaxtooyadu Candhuufteeda dib u liqdo, hawlaha Xisbigana u dayso hoggaanka hadda gacanta.

Source: QN