Madaxwayne Silanyo Oo Markii Ugu Horaysay Magacabay Guddida Ka Hortaga Dhaqan Xumadda.

SIILAANYO BARIGA

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Dhaqan-xumada,madaxwayne silanyo ayaa magacaabistiisani ku soo beegmaysa xilii baaqyo kala duwan ka soo yeedhayeen culimadda waweyn ee Somaliland,kaasi oo ay ka qaylinayeen dhaqan xumo ay sheegayaan in ay dalka ka jirto,war saxafadeed ka soo baxay madaxtooyada waxa uu u dhignaa sidan:

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Dhaqan-xumada oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Waxaanu Madaxweynuhu Magacaabistan Gudida ku yidhi Mudanayaal,

Waa xilka Xukuumadda in laga hortaggo cid-kasta oo anshax-xumo ku abuuraysa Bulshadda Somaliland dhexdeeda, isla markaana waxaa lagama-maarmaan ah in Xukuumaddu ka hor-tagto dhaqan-xumadaas.

Haddaba, aniga oo ka duulaya qodobka 5aad ee Dastuurka Qaranka iyo warbixinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Hay’adaha Aminiga ee Qaranka, waxaan idiin magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Anshax-xumada.

Sidaas darteed mudanayaal, waxa aan idin farayaa in aad wax-ka qabataan dhaqan-xumadaas oo Qaranka laf-jab ku ah, idinka oo waafajinaya shuruucda dalka.

XUBNAHA GUDIDU KA KOOBAN TAHAY

1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Guddoomiye

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xubin

3. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xubin

4. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Xubin

5. Taliyaha Ciidanka Booliiska Xubin

6. Taliyaha Sirdoonka Qaranka Xubin.”

 

Salaanmedia.com

Hargeysa Office