Nin Soomaaliya Oo Magaciisa Lagu Soo Daray Liiska Dadka U Sharaxan Abaalmarinta Loo Yaqaano Oscar Ee Ay Hollywoodku Siiyaan Jilayaasha Filimada.

Nin Soomaaliya Oo Magaciisa Lagu Soo Daray Liiska Dadka U Sharaxan Abaalmarinta Loo Yaqaano Oscar Ee Ay Hollywoodku Siiyaan Jilayaasha Filimada.

 

Barkhad Cabdinaasir oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa ka qayb qaatay Filinkii dhowaan soo baxay ee ‘’Captain Philips’’………..

Barkhad Cabdinaasir oo ah wiil dhalinyaro ayaa oo qayb ka qaatay Filinka dhowaan soo baxay ee ‘’Captain Philips’’ oo laga jilay Markabkii laga lahaa Mareykanka oo ay afduubteen kooxo Burcad badeeda Somaliyii sanadkii 2009 kadibna ay kala degeen Kabtanka.

Barkhad Waxaa la sharaxan afar qof oo kale, waxaana ay u tartamayaan abaalmarinta actor-ka ugu fiican iyadoo lagu dhawaaqi doono natiijada Bisha March ee sanadkan.

Barkhad waxaa la sharaxan aktarro waaweyn oo caan ah kuwaas oo kasoo qayb qaatay filimaan dhowr ah.

Sheekada Barkhad waxaa si weyn u hadal haya Telefishinada dalka Maraykanka iyo warbaahinta kale ee Soomaaliyeed, waxaana mar uu arrintaan ka hadlayay sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isla markaana ay dhiira gelin u tahay in uu howshan hore usii ambaqaado.

Barkhad ayaa wuxuu degan yahay gobolka Minnesota, waxaana uu ka ahaa dareewal taksi isagoo sheegay in aysan ahayn markii u horeysay uu ka qayb qaato jilis filin.

Filim-ka Captain Philips ayaa laga jilay afduubkii Markabka Maersk Alabama oo markii dambe kooxaha Budhcad badeeda ahaa la degeen Kabtanka Markabka Captain Richard Philips oo afduub ahaan u kaxeysteen iyadoo maalmo kadib ay xoog kusoo furteen Ciidamada Kuaaandooska ee Maraykanka iyadoo ay dileen saddex kamid ah Burcad badeeddi afduubka u haysatay Captainka.