Sheekh Maxamed Haybe Geele oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa oo uu shalay nin tooray ku weeraray,isaga oo muxaadiro ku qabanayey badhtamaha Magalada Hargeysa.

Sheekh Maxamed Haybe Geele oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa oo uu shalay nin tooray ku weeraray,isaga oo muxaadiro ku qabanayey badhtamaha Magalada Hargeysa.

Sheekh Maxamed, waxa uu ninkaasi laba goor tooreyda kaga dhuftay garabka bidix oo dhawr qodob la tolay. Sheekha oo ay warbaahintu ku booqday cisbitaalka guud oo lagu dawaynayey ayaa ka waramay sida loo weeraray, waxaanu yidhi, “Maalinta Jimcaha muxaadaro ayaanu qabanaa, waxaanan shalay ku qabanay diyaaradda hoosteeda, waxaanu mawduuca muxaadaradu ahaa in Carrabka in la ilaaliyo. Markii aanu dhammaynay ee aanu qalabkii furfurnay ee aanu xaraynay islamarkaana aan ku socdo masaajidka Adino ayaan maqlay cod xagga dambe iga leh “Wadaadkoow, wadaadkoow.” Codkaas oo igu soo dhow markii aan eegay waxaan arkay nin toorey sita, waanu igu bilaabay tooridii, waxaanan isku dayay inaan is difaaco, Alle mahadii halkii uu doonayay inuu igaga dhufto igagama ay dhicin oo Alle ayaa I badbaadiyay.”

Sheekhu isagoo hadalka sii wata wuxuu yidhi, “Labada meelood ee ay tooreydu igaga dhacday waxa la tolay meelna shan qodob, meelna afar qodob, suulka gacanta midigna waxa la tolay afar qodob.”

Falkan ayaa ah mid uu noociisu ku cusubyahay magaalada Hargeysa, waxaana goobtii uu falku ka dhacay si weyn ugu soo xoomay dadweynihii ka ag-dhawaa oo la yaaban falkan.

Salaanmedia
Hargeysa Office