Suxufiyiinta oo caawa ku sugan Villa Somalia, iyaga oo dhowraaya magacaabidda Golaha Wasiirada

image

Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Muqdisho oo gelinkii dambe ee maanta looga yeedhay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa tan ilaa galabta gaadhayay Aqal looga arrimiyo dalka.

Suxufiyiinta, ayaa loo sheegay in ay ka soo qayb galaan Munaasabad caawa lagu wado in loogu soo dhawaaqo Golaha Wasiirada ee Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisal Wasaare Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Wararka laga helaayo Madaxtooyada, ayaa waxay sheegayaan in ay ka soconeyso qaban qaabada loogu diyaar garoobaayo, magacaabidda Golaha Wasiirada cusub.

Munaasabadaan, ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka soo qayb galaan Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, qaar kamid ah Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidanka iyo marti sharaf kale.

Munaasabadaan, ayaa waxaa la filayaa in ay goobjoog ka ahaan doonaan xubno kamid ah Golaha Wasiirada ee la magacaabi doono, iyadoo ay u badnaan doonaan wejiyo cusub.

Dhinaca kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, oo loo balanqaaday in ay iska dhex arki doonaan Golaha Wasiirada, oo balanta looga baxay.

Xildhibaanadaan, ayaa waxay wararku sheegayaan in ay ku biiri doonaan Xildhibaanada kale ee Baarlamaanka, ee Axadii Baarlamaanka hor geysay mooshinkii Talaadadii la sheegay, in dib loo dhigay.

Salaanmedia/Mogdisho