War Deg Deg Ah Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo noqday Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Puntiland kuna helay 1 cod.

Waxaa hada soo dhamaatay Wareegii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Puntiland oo ay isugu soo hadheen Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Cabdi Wali Maxamed Gaas.

Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku guuleestay Doorashada Madaxtinimo ee Puntiland isagoona hal Cod kaliya ka sareeyay Musharixii la tartamaayey ee Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.PICTERS

 

Musharax Cabdi Wali Gaas Gaas ayaa helay Codad gaadh aya ilaa 33-Cod halka Fraoole uu helay Codad gaaraya ilaa 32-cod waxaana sidaasi Madxaweyne ku Noqday Cabdi Wali Gaas.

Cabdi Wali Gaas ayaa Hogaamin doona Maamulka Puntiland 5-ta Sano ee Soo socota iyadoona Cabdi Raxmaan Faroole oo mudo shan sano hayay Maamulka Puntiland ku guul dareestay in uu Puntiland sii hogaamiyo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

Salaanmedia/Mogdisho