War,Saxaafadeed…Ururka Al Shabaab Oo Ka Hadlay Sababta Ay U Joojiyeen Adeegga Mobile Internet iyo Fiber Opticka.

Ali_DheereJan 11,2014 Muqdisho(SM)-Al-Shabaab ayaa waxa ay sharaxaad ka bixiyeen sababaha keenay joojinta adeega Internet Mobile iyo Fibre Optic, iyaga oo ku faah-faahiyay sababahaasi bayaan ay soo saareen.

Bayaanka Al-Shabaab ay soo saareen ayaa wuxuu uqornaa sidatan

Bayaan ku aadan joojinta adeegyada Mobile Internet & Fibre Optic

Iyadoo dhawaan Caalamku ku baraarugay fadeexadihii basaasnimo ee uu Maraykanku tobankii sano ee lasoo dhaafay ku hayay xogaha gaarka ah ee malaayiin dad ah oo ku kala nool dunida dacalladeeda ayaa dalka Soomaaliya waxaa kusoo badanayay shirkadaha isgaarsiinta qaybahooda kala duwan, kuwaas oo shaqadooda kusoo bilaabay adeeg taleefan, kadibna u gudbay dhanka Internet-ka, iyagoo keenay adeegyo cusub oo kala duwan.

Shirkadahan isgaarsiinta ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay si gaar ah dalka u soo geliyay adeegyo dhanka Mobile Internet-ka ah, xilli dalka uu soo foodsaaray duullaan Saliibi ah oo ay gaalada caalamku isku bahaysteen sidii ay u qabsan lahayeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, diintoodana ay u
badeli lahaayeen.

Cadawga horarka ah ee soo qaaday duullaanka Saliibiga ayaa afartii sano ee ugu dambeeysay diyaargarow xooggan ugalay sidii loo baab’in lahaa himilooyinka umadda Muslimka ah ay ku dooneyso dawlad ku maamusha shareecada Islaamka, iyadoo uu balaariyay cadawgu saldhigyada Ciidamada “Africom” ee ku yaalla gudaha qaaradan Afrika, sidoo kalena la kordhiyay hay’adaha sirdoonka ee ka hawlgala wadamada dhaca Geeska Afrika.

Sirdoonka reer galbeedka ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku hawlanaa dardar gelinta mashaariic u fududeysa hawlohooda basaasnimo si ay ugu sahlanaato helitaanka xogaha gaarka ah ee ay uga baahanyihiin gudaha Soomaaliya.

Adeegyada Internet-ka ee dhawaan dalka la keenay waxaa kamid ah adeegga loo yaqaano Firbe Optic-ga, kaas oo lasoo mariyo badda hoosteeda, ahna adeeg gaar ahaan ku cusub Soomaaliya, guud ahaana qaarada Afrika ay ka isticmaalaan wadamo aad u kooban.

Sida ku cad nuqullo kamid ah warbixino qarsoodi ah oo lagu faafiyay qaar ka tirsan Warbaahinta Caalamka ayaa muujinaysa in adeegga Fibre Optic-ga ay adeegsadaan sirdoonka wadamada reer galbeedka, gaar ahaan Ingiriiska iyo Mareykanka, kaas oo ay ku basaasaan kuna urursadaan xogaha hoose ee wadamada laga isticmaalo adeeggaas, arintaas oo ka careysiisay shucuub badan oo ku nool dunida.

Sidoo kale adeegyada Internet-ka ee ay soo kordhiyeen shirkadaha isgaarsiinta waxaa ka mid ah Mobile Internet oo qofku uu ka helayo adeegga Interent-ka taleefankiisa gacanta uu ku sito, arintaas oo halis ku ah ammaanka, waxbarashada iyo akhlaaqda ubadka Muslimiinta ah ee soo koraya, iyo weliba bed-qabka fikri ee
bulshadeena Soomaaliyeed. waxaana dhibaatooyinkiisa kamid ah:

a) Mobile Internet wuxuu dhaawac weyn u geystay akhlaaqda qeybo kamid ah bulshada Muslimiinta, gaar ahaan dhalinyarada, kuwaas oo mobilladooda ka daawada ama ka dhagaysta, kadibna sii faafiya waxyaalo aanan shareecada Islaamka ku banaanayn, dhibaatana ku ah daruuriyaatka shanta ah ee lana faray inaan dhowrno.

b) Tirakoob lagu sameeyay macaamiisha adeegga Mobile Internet-ka ayaa lagu ogaaday in wax ka badan boqolkiiba todobaatan ay yihiin dhalinyaro, arintaas oo ka dhigaysa dhalinyarada Muslimiinta ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu kasoo gaarayso halisaha ay ka midka yihiin anshax xumida, waxbarasho la’aan iyo waqti lumis.

Khatarahaas ayaa keenay iney kordhaan baaqyada ka imaanaya waalidiinta iyo macalimiinta waxbarashada ee ay kaga digayaan isticmaalka Mobile Internet-ka ee ku sii baahaya ardayda
Soomaaliyeed.

c) Mobile Internet-ka ayaa halis ku ah ammaanka qof walba oo Muslim ah oo isticmaala adeeggaas oo u sahlaya cadawga inuu la socdo dhaq-dhaqaaqa qofka uu doono, islamarkaana uu la bixi karo wixii macluumaad ah.

d) Mobile Internet wuxuu halis gaar ah ku yahay Ammaanka dadka
Muslimiinta ah ee dagaalka kula jira cadawga soo duulay, isagoo kor u
qaaday fursadaha ay jawaasiistu xogaha Mujaahidiinta ugu gudbiyaan hey’adaha Sirdoonka ee dalka soo buux dhaafiyay.

e) Mobile Internet-ka ayaa sabab u noqday duqeymo cadowgu uu ka geystay
deegaano ka mid ah Wilaayaadka islaamiga ah, sidoo kalena sabab u
noqday dilka iyo ugaarsiga Mujaahidiinta.

Hadaba; iyadoo laga duulayo masuuliyada Mujaahidiinta ka saaran ka hortagga wax walba oo dhibaato u keenaya bulshada Muslimiinta ah, Isla markaana looga gaashaanto dhibaatada ay gaaladu la damacsantahay bulshadeena Soomaaliyeed,
loona hogaansamayo xadiith-ka ah: 4

نع )را زضلاو رزضلا ( : نأ ى ضق ملسو هيلع الله

Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin waxa ay go’aamisay arrimahan soo socda:

1) In laga joojiyo dhamaan dalka Soomaaliya isticmaalka adeegyada loo yaqaano Mobile Internet iyo Fibre Optic.

2) In dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ah ee ku lugta leh adeegga Mobile internet-ka ama Fibre Optic-ga ay joojiyaan adeeggaas.

3) In shirkad walba oo ku lug leh bixinta adeegyadaas aan kor kusoo xusnay ay heysato muddo dhan 15 maalmood oo kaliya sidii ay u joojin laheyd adeegyada Mobile internet iyo Fibre optic, mudadaas oo ka bilaabaneyso taariikhda bayaankan uu soo baxo.

4) Shirkaddii ama shakhsiyaadkii u hogaansami waaya go’aanada kor ku xusan waxaa loo arki doonaa kuwo cadawga la shaqeynaya, waxaana lala tiigsan doonaa Shareecada Islaamka.

Salaanmedia/Mogdisho