Gudoomiyaha Ucid Oo Masuul Ka Tirsan Xisbiga Ucid Xil Sare U Magacaabay!
-
JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
REF /UCID /003/ 2014 Date: 12/01/2014
Ujeedo : Xil-Magacabis
Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID Markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Buuxiyo Xilkan Banaan lana Magacaabo Xoghayaha Daryeelka Xuquuqda Aadamaha ee Xisbiga UCID,
Markuu Xisbiga UCID ku qancay kartida iyo Waayo aragnimada dheeraadka ah ee uu u leeyahay Arimaha Xuquuqal Aadamaha waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 11/01/2014 u magacaabay Xoghayaha Daryeelka Xuquuqda Aadamaha ee Xisbiga UCID Md. Xuseen Xasan Badmaax oo hore u ahaa Ku-Xigeenka Xoghayaha Araimaha Gudaha ee Xisbiga UCID.
Isla markaana Waxa la faray in hawshiisa si dhakhso ah u bilaabo kana soo baxo waajibaadka loo igmaday.
Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu u fuduudeeyo hawsha loo dhiibay
ALLA MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe