Wasiirada Ganacsiga Iyo Duulista Hawada Oo Safar Shaqo Ku Tagay Dalka Imaraadka Oo Si Weyn Loo Soo Dhaweeyay+ Daawo Sawirada

(SM-Hargaysa) Wasiiradda Wasaaradaha Ganacsiga iyo Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay safar ganacsi iyo maalgashi ugu kicitimay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

 

Labadan Wasiir oo u jeedada socdaal koodu la xidhiidhay sidii ay heshiisyo ula gali lahayeen   Shirkadda duullimaadyada ee Al-Carabiya Airline oo doonaysa inay maalgashato Madaarrada dalka Somaliland, iyo sherkado kale oo danaynaaya waddanka Somaliland. Markii ay Wasiiradu gaadheen dalka Isutaga Imaraadka carabta, ayaa halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

Wasiiradan ayaa la filaaya inay muddoo maalmo ah ku sugnadaan halkaas. Wixii warar ka soo kordha kala Soco

Salaanmedia/Hargaysa