Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Hortagay Golaha Wakiiladda

Wasiirka Maaliyadda oo Hortagay Golaha Wakiiladda

January 5th, 2014 

Hargeysa (SM) – Fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) ayaa waxa goluhu warbixin ka dhageystay wasiirka wasaaradda maaliyadda mudane Cabdicasiisa Maxamed Samaale oo ay weheliyaan agaasimaha guud iyo masuuliyiin kale.

Samaalee

Wasiirka wasaaradda maaliyada ayaa waxa uu golaha wakiilada ugu warbixiyey qasnada guud ee dawlada.Wasiirksa wasaaradda maaliyada ayaa isagoo ugu horayn faah-faahin ka bixinaya qasnada dawlada ayaa waxa uu yidhi “Qasnada qaranka waxa lagu aasaasay go’aan ka soo baxay golaha wakiilada 11/12/2013.Sababaha keenay samaynta qasnada dawlada waxa ka mid ahaa, maadaama oo dawladu ay mashaariic harumarineed ay ku darayso waxa laysla qaadatay in loo sameeyo meel layskugu uruuriyo oo u gaar ah, sida ku cad miisaaniyad sanadeedka 2013.” Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Qasnadan waxa la galiyey waxyaabo badan oo aan hore u gali jirin miisaaniyada qaranka, kuwaas oo hadda ka muuuqda miisaaniyad sannadeedka 2014. Qasnadani waxay qaranka u soo kordhisay waxbadan oo qaranka waxtar u leh.”

Wasiirku waxa uu sheegay qasnada guud lagaba bixiyo waxyaabo badan oo aan markii hore miisaaniyada lagu soo dari jin oo ay ka mid yihiin raashinka ciidamada, maamuuska madaxweyaasha iyo ku xigeenadii hore, kaalmada hay’addaha, iyo waxyaabo kaalmada asxaabta qaranka iyo ururada haweenka oo aan markii hore miisaaniyada si too ah ugu jiri- jirin.

Wasiirka wasaaradda maaliyadu waxa kale oo uu ka hadlay xeerka takaaliifta horumarinta wadooyinka oo ay ansixiyeen golaha wakiilada oo dastuurku awood u siinayo in ay sameeyaan shuruucda dalka, sidaa darteed loo baahan yahay in la saxo wixii dhaliilo ah ee ka yimaada, wasiirku isagoo arrintaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ Xeerka takaaliifta waddooyinka golaha wakiilada ayaaansixiyey wasaarada maaliyadana xeerkaasi kamuu iman, haddii ay dhaliiili ku jirto xeerkaas waxa ta koowaad yeelanaya golaha wakiilada, dawladuna cashuuro ayey qaadaa oo ay u baahan tahay, waddooyinkeenana waad ogtihiin sida ay yihiin aduunyada cidi wax inama siiso ee inaga ayaa doonayna inaynu wax qabsano,haddii aynu doonayno inaynu dhisno waddooyinka oo aynu diidno in shilin lagaqaado baabuurtii maraysay sidee ayaa lagu helayaa.”

Wasiirka wasaaradda maaliyaddu waxa uu cid kasta oo ka qayb qaadata kicinta shacabka u soo jeediyey in ay ka waantoobaan arrintaas, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Markaa qofka xildhibaanka ah ee halkan xeerka waddooyinka ku ansixiyey aqlabiyada guud xaga kalana umada ka afuufaya oo xumaan ka sheegayamiyaanu ahayn qof is burinaya oo ma xeerka takaaliifta waajibiyey oo ansixiyey ma xukumadii baa si qaldani wax ugasheegaya, miisaaniyada ku jirta xeerka.” Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Lacagtaasi waddooyinka loo qaadayaana xisaabta dawlada meelna kamagalayo ee waddooyinka ayuu toos u galayaa mana qabo in xeerkaas ay golaha wakiiladu ansixiyeen in laga noqdo ama la badalo mana aha wadada saxa ah, dadkii cawdayna way is arkeen xukuumada haday tahay wasaarada maaliyada, wasaarada arimaha gudaha iyo wakaalada biyaha waxaana laysla gaadhay go’aamo ay raali ku noqdeen.” Qaar ka mida xildhibaanada ayaa wasiirka halkaas ku waydiiyey su’aalo kuwaas oo uu wasiirku ka jawaabay.

Salaanmedia/Hargeysa