XIsbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Jeelka Ku Booqday Gudooomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar.

XIsbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Jeelka Ku Booqday Gudooomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar.

 2

Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka Ah ee WADDANI oo ku booqday Saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa  Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo xukuumadda Somaliland kusoo xidhay magaalada Hargeysa ka dib markii saqdhexe ciidamada RRU-du ugu daateen gurigiisa oo ku yaal magaaladda Burco.

3

Masuuliyiintan booqashada ugu tagay gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka togdheer oo isugu jiray Xildhibaano golaha wakiilada ah iyo xoghayeyaasha xisbigaasi mucaaridka ah ee WADDANI ayaa xogwaraysi kooban oo ku saabsan xaaladdiisa la yeeshay gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka togdheer.

1

Booqashadan ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka togdheer Guuleed Daahir Samatar uu in muddo ah ku xidhnaa xaldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa iyadoo xadhiggan Hargeysa uu uga sii horeeyey maalmo kooban oo uu hore ugu soo xidhnaa magaaladda xeebta ah ee Berbera.

Xubnaha ka socday Xisbiga Mucaaridka Ah ee WADDANI ayaa waxay kala ahaaayeen Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog), xildhibaan Xuseen Ismaaciil, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Xasan Dirir, iyo Xoghayaha Arrimaha Gaarka ah Ee XIsbiga WADDANI Md. Xuseen Aadan Cali (ASAD).

Masuuliyiintan ka socday xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo gudoomiye ku xigeenka u siday alaabo uu ku seexdo iyo cunto uu ku noolaado ka dib markii la sheegay inaan loo ogolaan booqashada iyo in wax loogu geeyo saldhigga dhexdiisa.

Sidoo kale waxa iyaguna goobta kula kulmay masuuliyiin ka socday madasha wadatashiga oo uu hogaaminayey Siciid Xaaji Axmed Qulumbe oo iyaguna halkaas kaga biiray masuuliyiinta Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Booqashadan ayaa u muuqata in Mucaaridka Somaliland gaar ahaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo Madasha wadatashigu ay gurmad ugu yimaadeen siyaasigan ilaa hadda la garan la’yahay cidda xidhay iyo halka laga amray xadhigiisan.

Isku soo wada duuboo dadweynaha ayaa waxay ku sifeeyeen xadhiggan Gudoomiye ku xigeenkii hore gobolka togdheer mid aargudasho ah oo ka soo fulay madaxtooyada Somaliland gaar ahaan wasiirka madaxtooyadda oo isaga ay hore u dhex mareen khilaaf.

Salaanmedia/Hargaysa