Aabe Wiil Uu Dhalay Iskuulka Ku Geeya Dhabarkiisa Masaafo Dhan 18 Mile

Aabe Wiil Uu Dhalay Iskuulka Ku Geeya Dhabarkiisa Masaafo Dhan 18 Mile
WIIL AAB

Yu Xukang ayaa waxa uu dhabarka ku qaada wiilka uu dhalay oo la sheegay in uu xanuunsanayo isla markaana uu kula safraa 18 mile oo ah goobta uu ilmahan yar ka dhigto Iskuulka.
Aabahasi oo u dhashay dalkaasi Shiinaha ayaa waxa uu kamid yahay dadka ku dhaqan deegaanka Fengyi ee katirsan magalada Yibin Gobolka Sichuan oo Koonfur Galbeed kaga beegaan Magalada Shanghai ee dalkaasi China waxaana la sheegay in Wiilkiisa yar Subax waliba uu ku qaado Dhabarkiisa isagoo ku geynaya Iskuulka oo Masaafa ahaan ka fog 18 mile taas oo ay iminka dowladda dalkaasi Shiiinaha ay Balanqaaday in Mr Xukang ay dejin doonaan goob udhow Iskuulka uu dhigto Wiilkiisa 12 jirka ah oo magaciisa lagu koobay Xio Qiang.
Arrinkaan ayaa waxa uu caalamka ka noqday midka ugu hadal haynta badan iyadoo saxaafad fara badan ay usafreen dalka China si ay kulan lasoo qaatan Yu Xukang isla markaana ay sawiro kasoo qaadaan.