Agabkii Wadada Ceergaabo Oo Hargeysa Ka Anbabaxay Iyo Madaxweynuha Oo Ku Soo Kordhiyey Howsha Wadada Qorshe Cusub Oo Ah In Wadada Laga Soo Bilaabo Dhanka Magaalada Ceerigaabo

Agabkii Wadada Ceergaabo Oo Hargeysa Ka Anbabaxay Iyo Madaxweynuha Oo Ku Soo Kordhiyey Howsha Wadada Qorshe Cusub Oo Ah In Wadada Laga Soo Bilaabo Dhanka Magaalada Ceerigaabo

QALABKII CEERIGAABO WADA

Hargeysa: (Salaanmedia.com) Gudaha Magaalada hargeysa inta badan wadooyinka waaweyni maanta waxay galeen
mashquul xoogan kasoo ka dhashay gadiidka waaweyn oo walwaalayey qalabka iyo baabuurta loogu talo galay dhismaha wadada
Qalabkii Dhismaha Wadada Ceergaabo Ayaa Maanta ka boqoolay magaalada harageysa, qalabka oo ay horkacayaan xubno kamid ah gudida wadada ceergaabo xubnahaasi oo uu hogaaminayo Maxamuud Aadan Dheri.
Cagf 1

Qalabkan oo ah qalab taydiisu sarayso tiradiisuna tahay mid badan ayaa waxaa madaxweynaha saomaliland mudane Axmed Maxa,ed Maxamuud “Siilaanyo” waxa uu go’aan maxadweyne meesha kaga saaray hadalo maalmahnba ay qaada-dhigayeen warbaahinta Qaarkeed kuwaaso nuxurkoodu ahaa in aan wadada ceergaabo dhismaheeda laga soo bilaabi doonin magaalooyinka ceergaabo iyo Ceel-afweyn oo jidka u dhexeeya yahay kan ugu rafaadka iyo dhibta badan, waxaana Madaxweynaha Somaliland go’aamiyey in Qalabka wadada Ceergaabo labada Saldhig ee ugu waaweyn halbawlahana u noqon doona dhismaha wadada laga kala dhigo magaalada Ceergaabo iyo Magaalada Ceel-afweyn halkaaso wejiga koowaad ee bilowga dhismaha wadadu ka bilaabmi doono.
IMG_0143