Burco: Sixir Bararka Quutal Daruuriga Oo Gaadhay Heerkii U Sareeyey Iyo Nolosha dadka Dan-yarta ah oo Khatar Ku Sugan.

Burco: Sixir Bararka Quutal Daruuriga Oo Gaadhay Heerkii U Sareeyey Iyo Nolosha dadka Dan-yarta ah oo Khatar Ku Sugan.
SIXIR BARARKA

Burco(Salaanmedia.com)-Qaybo Ka Mid ah Magaalada Burco waxa ku dhaqan Dadyoow aad u jilicsan oo aan Awood u lahayn in ay iska bixiyaan kor u kaca Maceeshada oo ay si weyn looga dareemayo Gudaheeda Magaalada Iyadoo Cirka ay isku sii Shareeraayso Maciishada quutal daruuriga oo si weyn ugu soo badadanayso Magaada Burco Maalmahan danbe.
Hadaba Qaar ka Mid ah dadweynaha reer burco Ayaa Ka Hadlay kor u kaca maceeshada ayaa waxay cadeeyeen in ay cirka isku sii shareerayso maciishada Quutal daruuriga , loona baahan yahay in si degeag ah ay xukuumaddu wax uuga qabato arrintaasi .
Qiimaha Maceeshadda Koradhay ayaa salka ku haya Ka dib markii sanadkii hore Cashuurtii Laga qaadi jiray Gawaadhida Xamuulka ah ee qaada cuntada, lagu dalacay Cashuurtii ay hore u bixin jireen taasina ay sababtii inay ganacsatadii iyaguna dadweynihii ku kordhiyaan qiimaha raashinka .
Hadaba Saynab Siciid oo ka mid ah Haweenka ganacsatada yar yare ee ka ganacsada suuqa Khudaarta ee Magaalada Burco ayaa noo xaqiijisay in sicir barar baahsan uu ka jiro Raashinka Quutal daruuriga , waxayna tidhi:
“ laga soo bilaabo markii la kordhiyay cashuurta gawaadhida qaada quutal daruuriga waxa sii kordhaaya raashinka, Khudarta waxaan Ugu Baaqaynaa Xukumada in ay hoos u eegto Ganacsatada yar yar . waayo aad bay iskugu xidhan yihiin ”
Sidoo kale waxa iyaguna ka hadlay Buuni Saleebaan oo ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee Gobolka Togdheer ayaa isaguna shaaciyay in koror xooglihii uu ka jiro Raashinka oo si weyn ugu soo badanaaya Qiimo Kaciiso .
Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee iyagu ka cabanaya korodhka raashinka ayaa iyaguna ka hadlay kor u kaca Maceeshada Quutal daruuriga waa kuwan qaar ka mid ah

Aamiina Yuusuf oo ka hadlaysa Waxay tidhi “ aad bay u kacayaa raashinkii Tasina waxa u sabab ah Cashuur Kordhinta sidaa dareed waxaan Xukumada ugu Baaqaaya in ay wax ka qabato kor u kaca Maceeshada oo soo badanaysa maalmahan ”
Hodan Faysal oo iyaduna ka hadlaysa waxay tidhi: “dadku isku wada mid ma ahaa, Dadka jilicsan hoos ha loo eego ganacsatadoo qudhaa wax kuma kordhayaan balse kuwa ay wax kastaba ay ku Kacayaan waa Shacabka reer Burco ”
Si Kastaba ha ahaatee Xukumada Somaliland Ayaa lixdii biloodba hal mar kordhisa canshuurta taasina bedelkeedu uu noqdo in ganacsataddu dadweynaha ku kordhiyaan waxay ka iibinayaan.
Madaxweynaha jamuuriyada Somaliland uu qalinka ku duugay Ku dhaqanka Xeerka Cashuur Kordhinta , Isagoon Kala Tashan Shacabka Reer Somaliland
Xukumadana Somaliland ayaa la moodaa in ay sii laba laabayso kor u kaca Cashuurtaha oo ay saameyn xoog leh ku reebayso Dadka aan awood u leheyn dhaqaalaha lagu xukumaayo iyo waliba Raashinka….

L Q L