DOONI KULA QARQANTAY 42 QOF OO AFRICAN MUHAAJIRIINA XEEBTA KOONFUREED EE DALKA YAMAN

42-Qof Oo Muhaajirin Afrikaan Ah Oo Dooni Kula Qalibmatay Xeebta Koonfureed Ee Dalka Yemen.

DOONTA

Sanca: (Salaanmedia.com)-Saraakisha dalka Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan 42-qof oo muhaajirin Afrikaan ah ay dooni kula qalib matay xeebta Koonfureed ee dalka Yemen.
Wasaarada difaaca dalka Yemen ayaa sheegtay in doonidaasi ay ku qalib matay xeebta Beer Ali, ee Koonfurta gobolka Shabwa.
Ilaalaha xeebaha dalka Yemen ayaa soo badbadiyay ugu yaraan 30-qof kuwaasi oo la geeyay xerada qaxootiga magaalada Mayfaa ee dalkaasi Yemen.

Sanad weliba Afrikan muhaajiriin ah ayaa waxa ay dooni kula qalibmataa xeebaha dalka Yemen halka ay boqolal iyagu kamid ah ay ku geeriyodaan xeebaha dalka Yemen.