Faallo: Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhalan Kara Socdaalka Xilligan Madaxweyne Siilaanyo Ku Marayo Gobolada Galbeedka Dalka?

Faallo: Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhalan Kara Socdaalka Xilligan Madaxweyne Siilaanyo Ku Marayo Gobolada Galbeedka Dalka?

SILANYO GALBEED

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wafti Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo ayaa safar
Haatan ku Maraya Gobolada Galbeedka Somaliland, waxana laga Bixiyey Aragtiyo iska soo Horjeeda.
Shacabka I ntooda Badan ayaa safarkan ku Tilmaamay mid Lagu Dejinayo Xaaladda Gobolada Galbeedka oo inta badan ay ka jirto xaalad
Kacsanaan ah oo ka Duwan midda Dalka intiisa kale ka Jirtaa, waxana lagu Macneeyey Xumad jebin ku Aaddan Xaraarada Shacabka Goboladdan oo waxyaabo kala Duwan ka Kacsan.
Dhibaatooyinka Haatan ka Taagan Gobolada Galbeedka ayaa aad u badan,waxana ugu Horreeya oo lama illaawaan ah Utuntii Seemaal oo aanay
Marnaba Reer Boorama maskaxdooda ka Saarin inkastoo qaar ka mid ah Eedaysanayaashii Arrintaas Galay dil lagu Xukumay.
Sidoo kale waxyaabaha Dadka Galbeedka Somaliland Xaraaradooda kiciyey Waxa ugu weyn Dhibaato dami la’ oo ka Taagan Gobolka Selel, taas oo
inteeda Badani soo Bilaaban tay xillligii lagu jirey Doorashooyinkii Dawladaha Hoose, isla markaana Haatan soo Laba Kaclaysay markii uu
wasiirka Dib u dejintu ku dhawaaqay inuu Halkaas Keeni doono Qaxooti Deegaanadaas ka Soo Jeeda oo Djibouti laga Keenayo.
Arrimahaas ayaa waxa Caddayn u ah inuu Madaxweynuhu markiiba qaabilay Goobihii Dhibkan budhigga u ahaa oo saylac iyo Boorama ah.
Waxase jirta Aragti kale oo dadka Intiisa badani qabaan oo ah inuu Madaxweynuhu si cad ugu diyaar garoobay inuu mar labaad isu soo Taago
Hoggaanka Dalka, maadaama ay Doorashadii Soo Dhawaatay, waxana ay Safarkiisan ku Macneeyeen mid olole ah.
Dadka Fikirkan Qaba ayaa Daliishanaya Tallaabooyin Dhawr ah oo ay ugu Horrayso Kootadii Dhawaan Xisbiga Hoggaankiisa sare loogu xidhay inaan Lala Tartami Karin, taas oo Shacabka Siisay sawir ah in Muuse Lagu Qanciyey inuu Madaxweynaha ugu Hadho Markale Musharaxnimada Xisbiga isagana Looga Hadho Gudoomiyaha Xisbiga.
Fikirkana ayaa ay Qabaan dadka intiisa Badani, waxana uu abuuray in Dadd markii hore uu madaw kaga jirey Hammiga Madaxweynuhu ay Haatan
qiraal ka noqdaan Rabitaankiisa iyo Hammigiisa Dambe ee Siyaasadda.
Dhinaca kale Dadka Siyaasadda Lafagura ayaa iyagu tilmaamay inay Caddaatay inuu Madaxweynuhu Shan sano oo kale Hoggaanka Diyaar u yahay,waxana la Filayaa Safarro kale oo uu ugu kicitimi doono Dhinaca Gobolada Bariga Dalka.
Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu Safarro kale ku tegi doono Gobolka Sanaag oo Haatan loo Bilaabi doono Waddadii uu HOre Madaxweyne Siilaanyo ugu Ballan qaaday inuu u dhisayo, waxana Middaas qudheeda lagu tilmaamay inay Ololihiisa qayb ka tahay.
Madaxweynaha ayaa Tallaabooyinka Keenay inuu kusoo Dhiirrado Talada Mar labaad, lagu sababeeyey inaanu jirin Mucaarid qaangaadh ah oo Dhaliilaha iyo Ceebaha Xukuumaddiisa Bulshada u soo Bandhigi kara, isagoo Dadka si Fudud u gashaday siyaasad uu ku sheeganayo inuu Dalka wax badan u qabtay.
Si kastaba ha ahaatee wali ma muuqato wax tallaabooyin ama isku dayo ah oo madaxweyne siilaanyo ka Hor istaagi kara inuu talada ku soo Noqdo,waxana uu Haatan qabaa Kalsooni badan oo la xidhiidha inaanu Cidhiidhi kala kulmi doonin dhigiisa mucaaridka ah ee ay muddada shanta sano ah ku soo Loolamayeen Talada dalka…