GADIIDKII LOOGU TAL-GALAY DHISMAHA WADADA CERIGABO OO SI RASMIYA USOO GAADHAY MAGALADA BURCO + SAWIRO…

GADIIDKII LOOGU TAL-GALAY DHISMAHA WADADA CERIGABO OO SI RASMIYA USOO GAADHAY MAGALADA BURCO + SAWIRO…

CAG 5

Burco (Salaanmedia.com) Iyadoo ay Dhawaan Dalka Soo Gadheen Gadiidkii Loogu Talo-Galay Dhismaha Wadada Cerigabo ayaa Waxa Maanta ay Gadiidkasi si Rasmiya usoo Gadheen Magalada Burco Ee Xarunta gobalka Togdheer.
Gadiidkani Loogu Tallo-Galay Bilowga Dhismaha Wadada Cerigabo Ee Xarunta Gobalka Sanaag ayaa la Filayaa inay Maantaba Galinka Danbe ay usii Gudbi Donaan Dhinaca Gobalka Sanaag.
CAG 2

Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Oo ka Hadlay Gadiidkani Soo Gaadhay Magalada burco ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

CAG 4

” Waxa Maanta Halkan Maraya Qalabki Loogu Tallo-Galay Dhismaha Wadada Dheer Ee Cerigabo,Runtii Waxaan Filayaa inay
Si Dhakhso ah u Bilaabmi Doonto Dhismaha Wadadaasi Oo Runtii ah Mid Muhiim u ah Bulshadeena,Reer Cerigabo Waxaan Leeyahay Oo Rumaysataan Waatas Halkay Marayso Qalabkii Loogu Tallo-Galay Wadada Cerigabo,Runtii Waxaan Leeyahay Dhismaha Wadadani Waa Guul usoo Hooyotay Shacbiga Reer Somaliland Oo Dhanba” Ayuu Yidhi Badhisabka Togdheer.
Agasimaha Aqalka Madaxtoyada Burco Yasiin Maxamed Shide (Yasiin Ex) Oo isaguna ka Hadlay Keenista Qalabkani ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii
CAG 6

” Runtii Waxaan Leeyahay Dowladu Way ka Dhabaysay Balanqadkedii ahaa Dhismaha Wadada Cerigabo,Waxaan Leeyahay Bulshada Reer Cerigabo iyo Reer Burcaba inay iyaguna ka Dhabeyaan Balanqadkii ay Hore u Sameyeen inay ka Qayb-Qaadan Donaan Dhismaha Wadada Cerigabo,Shacabka Reer Somaliland Oo Dhana Waxaan Leeyahay Diyaariya Qaadhankii Aad Ugu Talo Gasheen Dhismaha Wadada” Ayuu Yidhi Yasiin Ex

CAG 7

Gudomiyaha Gudiga Dibu Dhiska Madarka Diyaradaha Burco Sheikh Cali Mowlid Oo isaguna ka Hadlay Goobtaasi ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii

” ilaahay Waxaynu Dhamaantenba ka Baryaynaa inay Dhismaha Wadadani Cerigabo inoo Dhabeeyo,Shacabka Reer Somaliland Waxaan Leeyahay Waxaynu u Baahan Nahay inaynu Wixii wanaagsan aynu Tagerno Oo Barbar istaagno” Ayuu Yidhi Sheikh Cali Mowliid

Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Xildhiban Cabdi Laki,Taliyaha Qaypta Police Togdheer Cabdi Muuse iyo Taliyaha Ciidanka Asluupta Togdheer Jaamac Baadi Oo iyaguna ka Hadlay Keenista Qalabka Loogu Talo-Galay Dhismaha Wadada Cerigabo ayaa Amaan Baladhan usoo Jeediyay Cid Kasta Oo Gacan ka Gaysatay Sidii Qalabkani Loo Soo Gadhsiin lahaa Dalka.
Si kastaba ha ahatee Qalabkani loogu Talo Galay Dhismaha Wadada Cerigabo ayaa la Filayaa Maanta Galinka Danbaba in Loo sii Gudbiyo Dhinaca Gobalka Sanaag.