Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Oo Qaadacday Mashruuca Baanka Horumrainta Afrika Usoo Mariyey Dawladda Somaliya

Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Oo Qaadacday Mashruuca Baanka Horumrainta Afrika Usoo Mariyey Dawladda Somaliya
WASAARADA QOR

Hargaysa(Salaanmedia.com)March.10.2014 -Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr: Sacad Cali Shire ayaa qaadacay sacdmashruuc Baanka Horumarinta Afrika ku caawinayey wasaaraddiisa kaasoo lacagtiisa Baanku soo mariyey Somaliya.

War-saxafaadeedka wasiirka oo soo baxay manta oo bishu tahay 10/3/2014, waxa uu si toos ah ugu daadifeeyey qaadashada Lacagtaas, isagoo sheegay Somaliland in ay qaadan karto oo kali ah haddii Baanka Horumarinta Afrika si toos ah usiiyo Somaliland

War Saxaafadeed

Cadayn: Mawqifka Deeqda Bangiga Horumarinta Africa

Annaka oo tixraacayna qodobka kowaad xayeysiis lasoo geliyey website-ka Bangiga harumarka Afrika (African Development Bank) eek u suntan taariikhda 7/3/2014ka, kaas oo leh “ waxay Dawladda Federaalka ee Somalia ka heshay Bangiga Harumarinta Afrika lacag taas oo lagu tayeynaayo xog ururinta Somaliland..’, waxaanu halkan ka cadaynaynaa in lacag gacanta Dawladda Federalka Somalia soo martay aanaan qaadanayn.

Mashruucan hadalkiisu wuxuu soo socdey muddo laba sannadood ah. Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynaayo, oo aanay gacan kale geleyn, khabiirada loo baahanyahayna kawada hawl-geleyno.

Waanu soo dhoweynaynaa taageerada Bangiga laakiin taageradaasi waa in aanay gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.

Wixii faah faahin ah kala xidhiidh

Dr. Sacad Cali Shire

Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta