“Waxaan Ka Marag Kacayaa In Wadooyinku Yihiin Halbowlaha Koboca Dhaqaalaha Ee Dalka, Kuwa Sahla Is Dhexgalka Dadka Iyo Hormarka Bulsho, Xukuumadaydu Waxay Garawsan Tahay Arimahaas”

Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii U Horaysay Tan Iyo Intii La Doortay Socdaal Ku Tagay Saylac
SAYLAC  ZIIILANYO

Hargeysa, March 12, 2014 (Salaanmedia.com) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan koox Wasiiro, xildhibaano iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka ayaa shalay socdaal iskugu gaalaa-bixiyey goboladda Gabiley iyo Awdal iyo Selel, kaas oo xadhiga ka jaris iyo dhagax-dhigis ka sameeyey mashaariic jidadka isku xidha goboladda galbeedka Somaliland.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa socdaalkiisan gobolada galbeedka Somaliland ku dhagax dhigay jidka isku xidha Kala-baydh iyo Dila, halka uu xadhiga ka jaray jidka isku xidha Dila iyo Boorama oo isagu mudo saddex sano ah socday, sidoo kalena waxa uu madaxwaynuhu dhagax-dhigay waddada u dhaxaysa Boorama iyo Lawyo-cado, kaas oo isaga iyo waftigiisu xalay fiidkii ku hoydeen magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salal.
Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa soo dhawayn kala kulmay deegaanadda ay mareen ee galbeedka dalka, kaas oo goobo kala duwan kula hadlay bulshadda deegaanadaasi oo si wayn u soo dhawaysay mashaariicdaasi.
Sidoo kale madaxwaynaha ayaa mar uu bulshadda kula hadlay hoolka Jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama waxa uu ka xog-waramay qorshaha xukuumadiisa ee mustaqbalka dhaw, kaas oo sharaxaad ka bixiyey mihiimada ay dhismaha jidadka dalku u leeyihiin qaranka, waxaana ugu horayn munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa aan anaga oo Camuud ah ka marag kacaynaa in xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ay tahay xukuumadii Waxqabadka, sidoo kalena waxa aan sheegayaa in xaalka dalku uu maanta yahay mid wanaagsan gaar ahaan siyaasada arimaha dibada oo loo magacaabay masuulkii ku haboonaa, waxana aan leeyahay dalka laba dawladood kama wada jiri karaan ee Xukuumada Kulmuye ha loo daayo hagida siyaasada arimaha dibada hana lagu taageero”
Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa xukuumada iyo Madaxwayne Siilaanyo ku bogaadiyay waxqabadka ay muujiyeen waxana uu yidhi “Marwalba oo tartan yimaado waxa badan inta hadalka badinaysa, waxana aan leeyahay M/Siilaanyo adigu fadhiga isaga tasbiixso, umadana u sheeg waxqabadkaaga kuna dheh intana waan qabtay, inta dhimana waan qabanayaa ee sidaas igu doorta, anaguna waan ka marag kacaynaa in aad wax lataaban karo oo waxqabad ah la timid”.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay madax tiro badan oo ay ka mid yihiin hadlay Gudoomiyaha Hayada ASARDA Md. Cabdilaahi Xaaji Ciise, Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ku hadlayay afka Salaadiinta, Masuuliyiin ka socotay shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil Group, Maayarka Boorama Md Saleebaan Xasan Xadi, Badhasaab ku xigeena Awdal Cabdi Nuur Sugaal, Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Gaashaan dhiga Axmed X. Cali Cadami iyo madax kale, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday mihiimada iyo faa’idada Somaliland ugu jirta ka qaybqaadashada horumarka dalka.
Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo tafaaasiil ka bixiyey qorshaha xukuumadiisa iyo ee horumarka dalka, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxa aan aad ugu faraxsanahay soo dhawaynta balaadhan ee milgaha leh ee aan aniga iyo wafdigaygu kala kulanay dadka ku nool gobolka Awdal, waxa aan u mahadnaqayaa hayada ASARDA iyo dhamaan hay’adaha kale ku hawlan dhismaha jidadka dalka, waxa aan ka marag kacayaa in wadooyinku yihiin halbowlaha koboca dhaqaalaha ee dalka, kuwa sahla is dhexgalka dadka iyo hormarka bulsho, sidaasi aawadeed xukuumadaydu waxa ay garawsan tahay arimahaas oo dhan, waxaanan aan hiil iyo hooba ka gaysan doonaa dhismaha jidadka dalka, waxana aan shacabka ugu baaqayaa in dhinacooda ay ka qabtaan oo ay taageeraan horumarka ay xukuumadu wado, nabadgalyada adkaynteeda iyo iskuduubnida shacabka Somaliland”.
Dhinaca kale waxa Madashaasi ay hay’adda ASARDA abaalbarino shahaado sharaf ah ku gudoonsiisay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo, Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi iyo ganacsade OOMAAR oo taageero qaadhaan ah oo balaadhan ugu deeqay jidka, Shirkada SHABA Iyo Camuud Foundation oo iyaguna dhankooda ka bixiyay qaadhaano loo baahnaa.