W/Hawlaha Guud Oo Maayarada Magaalooyinka Dalka Ka Dalbaday Inay Soo Gudbiyaan Liiska Danta Guud Iyo Tirakoobka Hantida Qaranka Ay U Hayaan

W/Hawlaha Guud Oo Maayarada Magaalooyinka Dalka Ka Dalbaday Inay Soo Gudbiyaan Liiska Danta Guud Iyo Tirakoobka Hantida Qaranka Ay U Hayaan

HAWLA GUUD

Hargeysa, March 14, 2014 (Salaanmedia.com) – Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka dalbaday Maayirada magaalooyinka iyo degmooyinka dalku inay soo gudbiyaan liiska danta guud ee ay hayaan, isla markaana
waxa uu ku war geliyay in ay soo dhamaystiraan tirakoobka hantida ay Qaranka u hayaan ka hor inta aan la gaadhin 21-ka bishan aynu ku jirno ee March 2014.
Sida uu ku sheegay Wasiirka hawlaha guud wareegtada uu shalay soo saaray oo u dhignayd sidan:- “Si loo dardar geliyo waajibaadka iyo adeega shaqo ee Wasaaradani u qabato Shacbiga reer Somaliland, iyada oo la dhawrayo laguna shaqaynayo xeerarka iyo sharciga dalka waxaa waajib inagu ah iyadoo in la dabaqo xeer No 17.2001, ee Sharciga dhulka lana fuliyo wareegtadii Madaxweyanaha ee dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guriyaha dawlada waxana laydin ku wargelinayaa inaad soo gudbisaan liiska danaha ee aad haysaan idina oo u kala saaraya.
1-Danaha guud ee aad kala wareegteen golihii deegaanka ee idinka horeeyay
2-Danaha guud ee idiin soo xarooday mudadii aad xilka hayseen
3-Magacyada cid iska leh Beeraha ay soo xaroodeen danaha guud iyo Beer kasta tirade dhulka ee laga jaray
4-Degmada/Waaxda ama goobta ay ku taalo
5-Tirada danaha guud ee la isticmaalay iyo sababta loo isticmaalay
6-Tirada danaha guud ee hadda la hayo iyo tafaasiishooda idinkoo u soo kala saaraya adeegyada kala ah
-Goobaha Cibaadada (Masaajidada iyo Malcaamadaha).
-Goobaha Waxbarashada (Noocyada kala duwan ee Dugsiyada iyo Jaamacadaha).
-Garoonada Ciyaaraha.
-Goobaha Caafimaadka (Cisbitaalada iyo MCH).
-Saldhigyada Booliska iyo Xabsiyada iyo wixii la mid ah.
Waxa Maayirada mar labaad lagu adkaynaya inay hawshan ku soo dhamaystiraan iyaga oo hal nuqul oo danaha guud ah ku soo xaraynaya Xafiisyada WHG/G/Gadiidka ee Gobol/Degmo mid kalana soo gaadhsiinaya xarunta Wasaarada Hawalaha guud ugu dambayn 21/03/2014
Waxa xusid mudan inaynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka Jahmuuriyada Somaliland (Dhul qof looga qaaday dan guud in aan loo siin Karin qof kale dan dan gaara).

L Q L