Baarlamaanka Dalka Garmarka(Germany) oo ansixiyay in ciidamo ka socda dalkaasi Soomaaliya loosoo diro

image

Baarlamaanka dalka Germany ayaa ansixiyay in ciidamo ka socda dalkaasi loosoo diro dalka Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka dalkaasi.

Waxa ay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Germany in ciidamo ka socda dalkaasi ay tababar ka bixiyaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababarka siinaya ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Dowlada Germany ayaa tababarka siinayay ciidamada Dowlada Soomaaliya Tan iyo sanadkii 2010, laakiin ciidamadaasi ayaa ka haray markii howlgalka loosoo wareejiyay Bishii December sanadkii lasoo dhaafay dalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Germany ayaa meel mariyay in 20-Saraakiil oo ka tirsan ciidanka Germany ay usoo diraan dalka Soomaaliya si ay usii wadaan tababarka sare loogu qaadayo aqoonta ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Ciidamada Dowlada Germany ayaa tababar qaas ah siin doona ciidamada Milatariga Soomaaliya iyagoo sidoo kale ciidamada ka caawin doona dhanka kala talinta ladhaqanka bulshada, iyadoo tababarka uu ka dhacayo Magaalada Muqdisho.

Inka badan 3600 oo kamid ah askarta Dowlada Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa inay ka faa’iideystaan tababarkaasi oo ay bixinayaan dalalka Midowga Yurub.

Saraakiil ka socota Dowladda Mareykanka iyo Dowladdo kale ayaa hada bixiya tababarka ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kaasi oo laga soo bedelay dalka Uganda oo ciidanka tababarka lagu siin jiray.

Salaanmedia/Mogdisho