Baashe Maxamed Faarax Muxuu Ka Yidhi Imaanshaha Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil..??

Baashe Maxamed Faarax Muxuu Ka Yidhi Imaanshaha Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil..??

Baashe 1

Hargeysa(Salaanmedia.com)April.19.2014-Gudoomiye ku-Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxmed Faarax ayaa si aada u soo dhaweeyey Imaanshaha Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka tirsan garaadadii ugu tunka weynaa Kooxdii Khaatumo oo maalintii shalay ahayd si balaadhan loogu soo dhaweeyey Magaalada Hargeysa,waxaana uu tilmaamay in uu garaadku uu yimi dhulkiisii si aadana u ugu faraxsan yahay waxaana uu yidhi:
“Waxaan u aragnaa wax wanaagsan,dee garaadku waxaa uu ku soo noqday dalkiisii garaad miisaan leh weeye aad iyo aadna waxaan ugu faraxsanahay in aanu isaga iyo ragii la socdayba ay yimaadeen,si fiicana loogu soo dhaweeyey oo la tusay kal gacayl ay soomali land u qabto gobalada bariga,soo dhaweyn xad dhaafana waa loo sameeyey aad iyo aadna waanu ugu farax sanahay,waxaanan mahad balaadhan aanu u so jeedinaynaa waxa weeye shacbiga Somaliland waliba shacbiga dagan hargeysa sida sharafta iyo karaamada leh ee ay u soo dhaweeyeen garaadka,iyo waftigii la socdayba”
Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md: Baashe Maxamed Faarax waxaa uu sida oo kale uu soo dhaweeeyey wada hadalada la sheegay in ay Somaliland u socdaan qaar kamida dadka reer Somaliland ee aamin san mabda’a Somaliweyn
“Waxa weeye wada hadaladu waa ay socdaan een inaguna nin kasta oo Somaliland u dhashay waxaa aynu waajib u leenahay in aynu la hadalno oo soo dhaweyno wadahadalno marka dee xidhiidhkaa waa la sheegay in uu jiro oo wadahadalo ay socdaan horana waa ay u socdeen oo dadku waa dadkeenii oo mabaadii ayuunbaa lagu kala duwan yahay oo dadku waa dad wada dhashay”Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax