Booliiska Ceerigaabo Oo Si Xun U Garaacay Islamarkaana Xabsiga U Taxaabay Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Gobolka Sanaag

Booliiska Ceerigaabo Oo Si Xun U Garaacay Islamarkaana Xabsiga U Taxaabay Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Gobolka Sanaag

Police Ceeri

Ceerigaabo(Salaanmedia.com)- Askar ka tirsan Booliiska Gobolka Sanaag oo uu watayTaliye ku-xigeenka qaybta Booliiska ayaa saaka garsoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka Sanaag isugu daray xadhig iyo garaacis, iyagoo wakhtigaas ku sugnaa xarunta Maxkamadda Gobolka.

Garsooraha la xidhay oo magaciisa la yidhaahdo Xamsi Siciid Jaamac (Cali) ayaa Farriinnews.com khadka Telefoonka ugu waramay markii la soo daayey kadib, waxbu sheegay saaka isagoo soo shaqo tagay isla markaana ugu soo horeeyey Maxkamadda in ay Booliisku iska hortaageen shaqada, isla markiibana inta ay ka xidheen ku riday saldhiga Ceerigaabo.
Garsoore Xamse waxa uu sheegay Ciidanka xidhay in ay ahaayeen ilaalada gaarka u ah maxkamadda iyo Askar cusub oo uu watay Taliye ku-xigeenka qaybta Booliiska Siciid Jaamac maxamed (Caroog), waxaanu xusay inaanu garanayn illaa hada waxa kalifay falkan ay kula kaceen.
Garsoore Xamse waxa uu sheegay markii la xidhay in uu u soo gurmaday Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sanaag Axmed Iidle Saleebaan kaasoo ka soo daayey Garsooraha Saldhiga.
Garyaqaano ka tirsan Ururka Qareenada Somaliland oo Farriinnews.com la soo xidhiidhay ayaa sheegay in Garsooraha Maxkamadda Gobolka ee la Dilay ay Booliisku xidheen ugu yaraan laba saacadood iyagoo ku eedeeyey falkaasi in uu yahay mid sharci daro ah.
Sidoo kale, Qareenada warkan aanu ka helnay waxa kale oo ay sheegeen in Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Maydh uu muddo ku xidhan yahay magaaladaasi, isla markaana Booliisku xidheen.
Falalkan isku dhaw dhaw ee Booliisku ku fuliyeen Bahda Garsoorka waxa muddo imika laga joogo laba bilood ay kula kaceen oo ay albaabada u laabeen dhamaan Maxkamadaha Gobolkaasi oo ay Garsoorayaashooda ku eedeeyeen in aanay soo shaqo tagin.
Xukuumadda iyo Garsoorka midkoodna kamuu hadal dhacdooyinka noocan oo kale ah hase yeeshee waxay dhacdooyinkani u muuqdaan kuwo aan ka dhicin Goboladda kale ee dalka oo ku kooban uun Gobolka sanaag.