Burco:Dhalinyarada oo shaqo la’aani aafaysay, Farriintooda Xukuumadda iyo saamaynta uu qaadku ku yeeshay

Burco:Dhalinyarada oo shaqo la’aani aafaysay, Farriintooda Xukuumadda iyo saamaynta uu qaadku ku yeeshay

dhalinayro

Burco, 20 April 2014 (Salaanmedia.com)- Qaar ka mid ah dhalinyarada Gobollka Togdheer, ayaa ka dayriyay shaqo la’aan baahsan oo ay sheegeen inay mustaqbalkoodii isbedel ku samaynayso. Sida uu ku soo waramay weriyahayaga Gobolka Togdheer Cabdillaahi Maxamed Kaarshe, waxa uu qaar ka mid ah dhalinyarada reer Burco wax ka waydiiyay shaqo la’aanta iyo saamaynta ay ku yeelan karto mustaqbalkooda. Ugu horayn Mustafe Maxamed Axmed oo ka hadlayay shaqo la’aanta iyo waxyaabaha ay horseeday waxa uu yidhi, “Waxaan ka shaqeeyaa qaadka, shaqo la qabto oo ka xumina ma jirto, laakiin aniga waxa igu kelifay camal la’aan, hadaan camal kale helayo kama shaqeeyeen qaadka. Keligay maaha wax bulshadu ila qabto, waxaan u leeyahay kama shaqeeyeen qaadka waxa weeye qaadku waa wax dadka iyo dalkaba u daran, waayo, waxa uu naafeeyaa maskaxda dadka oo waa maandooriye danyartii soo koraysey ayaa wada baratay qaadka oo maqaaxiyihiiba buuxiyey.” “Waxana waayeen markii ay soo dhamaysteen waxbarashadii ardaydii camal la’aan ayay ku soo dhaceen, meel ay kaga dhuuntaan qaadka-na way waayeen.Waxaanay indhahoodu ku dhacayaan kabadh qaad oo gurigii ay ka soo baxayaanba horyaala. Sidaa daraadeed, waxaan odhan karaa shaqo la’aanta ayaa horseeday oo fududaysay in qaadkii ku bato dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Mustafe. Cabdiqani Xasan Cabdillaahi oo isna fikirkiisa ka dhiibanayay arrintaas waxa uu ku bilaabay, “Waxaan dawladayada sharafta leh ka codsanayaa ee uu hogaamiyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha iyo dhamaan intii danaynaysa dhalinyarada in wax laga qabto camal la’aanta ku keliftay dhalinta ee waxna tahriibeen, waxna qaadka u fadhiisteen oo shaqo abuur loo doonaa oo ay xukuumadu na hogaamisaa wuxuun dhalinta lagu mashquuliyo keento si ay uga badbaadaan qaadka. Hadaanu nahay dhalinyarada reer Burco ama reer Togdheer anagoo isku dhan oo gacmaha is-haysana waxaanu leenahay Madaxwaynahayaga waxaad tahay hogaankayagii, waxaananu kuu dooranay hadaanu nahay dhalinyaradii inaad noogu balanqaaday shaqo-abuur, iminkana dhalintii waxay la il-daran tahay shaqo la’aan. Markaa waxa weeye qorshe ay dhalintu leedahay dowladu ha keento sida dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ay dhalinteeda u mashquulisay oo ugu diiday maandooriyaha oo qorshe uga samaysay sida tartanka dhaqanka iyo xirfado shaqo.” Cabdiqani waxa uu intaa ku daray, “Madaxweyne inkasta oo waxqabadkaagii aad noo muujisay, weli kaalintii dhalinyarada aad ku balanqaaday nooma muuqato, xataa hadii la helo dhiirigelin iskaa wax u-qabso ah waa dhamayn lahayn wadadaa ceerigaabo, taana waxaan uga jeedaa dhalinyaradii oo la taagan maskax iyo muruq-ba ayaan hadana haynin wax ay qabtaan-ba.” Maxamed Xasan Maxamed ayaa isna ku tilmaamay shaqo la’aanta aafo dalka oo dhan ka jirta. “Inkasta oo dawladu sheegtay dhawr jeer inay shaqo-abuur dhalinyarada u samaynayaan weli waxba kama hayno. Maanta markii aanu Jaamacaddaha ka baxnay ee aanu garanwaynay wax allaale wax aanu qabano, waxay noqotay inaanu qaadka isu dhiibno. Markaa waxaanu leenahay dawladda hadii aan shaqo-abuur naloo samayn Bad-weyntaa hore loogu dhamaaduun baa lagu madhanayaa.” Ayuu yidhi Maxamed Xasan Maxamed. Axmed Cabdicasiis ayaa isagu sheegay inuu yahay weli arday, balse uu niyad-jab ka haysto markuu arko kuwii ka horeeyay oo kabadhada qaadka fadhiya. “Anigu weli waxaan ku jiraa gacantii waalidka oo arday baan ahay, laakiin markaan arko kuwii ka baxay dugsigayga oo kabadhada fadhiya waxaan is-idhaahdaa halkaad ku socotaa!” Mar la waydiiyay markuu ka baxo dugsiga waxa uu ku hamiyayo waxa uu ku jawaabay, “Wallaahay anigu waxaan is-leeyahay aad tahriibtid, waayo, waxa igu kelifaysa shaqo la’aanta dalkaygii ka taagan. Dawladda waxaan leeyahay haddaan wax laga qaban arrintaas, dhalinyaradu waxay noqonayaan wax wadada qaada (tahriib) iyo wax kabadahada qaadka fadhiista.

Xigasho Ogaal