Cali Kahliif Galeydh Oo Maanta Soo Gaadhey Degmada Taleex iyo Dareenka Ku Xeeran Socdaalkiisa Xiligan

Cali Kahliif Galeydh Oo Maanta Soo Gaadhey Degmada Taleex iyo Dareenka Ku Xeeran Socdaalkiisa Xiligan

WAREYSI Prof Cali Khaliif Galayr ay la yeesheen Somali Channel 06.09.2013

Taleex(Salaanmedia.com)-Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh ee kasoo Jeeda Gobolada Somaliland ee Sool, ayaa maanta isaga iyo wafti uu hogaaminayaa kasoo degeen Magaalada Taleex kadib markii uu kasoo socdaaley sida wararku tibaaxeen Koonfurta Soomaaliya.
Socdaalka xiligan ee Siyaasiga Cali Kahliif Galeydh kusoo gaadhey Degmada Taleex xiligan ayaa, u muuqata mid uu kaga jawaabayo dhoolatuskii ay dhawaan Ciidamada Qaranku ka sameeyeen, Degmada Taleex, halkaas oo ay dib uga soo noqdeen, ilaa iyo hadana ma cada ujeedada rasmiga ah ee uu ugu soo socdaaley Degmada Taleex.

Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh, ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacsanaa Arimaha Siyaasada Soomaaliya iyo tan Somaliland, isagoo Deegaanka Taleex ka abaabuley mudo hore Khaatumo State oo noqotey barnaamij ka socon weyday
deegaankaasi, inkastoo maalimihii u dambeeyay la sheegay warar aan la xaqiijin oo ku sahabsanaa in Somaliland maamulkeeda xiligan ee Xukuumada Madexweyne Siilaanyo iyo Siyaasiga Cali Khaliif u socdaan wadahadalo hadana, waxey u muuqtaa hadalheyntaasi mid aan sal iyo raad toona laheyn inkastoo laga dhursugayo halka ku jiheysan tahey Socdaalka Cali Khaliif ee Xiligani uu kusoo gaadhey Degmada Taleex.