Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Ku Sugan Taleex Oo Iska Caabiyey Weerar Ay Maleeshiyada Khaatumo Goordhaweyd Ku Soo Qaaday

Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Ku Sugan Taleex Oo Iska Caabiyey Weerar Ay Maleeshiyada Khaatumo Goordhaweyd Ku Soo Qaaday

ciidanka-qaranka-somaliland

Taleex, April 15, 2014 (Salaanmedia.com) – Ciidamada Qaranka ee ku sugan Taleex ayaa iska caabiyey weerar ay goor dhaweyd ku soo qaadeen maleeshiyada kooxda Khaatumo
Siday warar degdeg ah oo hada na soo gaadhay sheegayaan dagaalkani wuxuu bilaabmay 1:30 maanta walina wuu socdaa.
Ciidamada qaranka ayaa saaka ku waa bariistay Taleex waxaanay sidoo kale gaadheen ilaa iyo tuulada Higlada ee 5km u jirta Tukaraq oo ku taala xadka Somaliland iyo Somalia u dhexeeya.
War cusub oo hada na soo gaadhayna wuxuu sheegayaa in maleeshiyadii Khatumo ee weerarka ku soo qaaday ciidamada qaranka ee ku sugan Taleex ay jabeen oo ay ciidanka qaranku caydhsanayaan firdhadkoodii.
Wali lama sheegin khasaaraha soo kala gaadhay labada dhinac.